Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 428 views

Sidee baa looga hortegi karaa, kuwa fasahaadda ka wada dalka,dadkana fasahaadiya? (2-2)

Qaybtii labaad

Noocyada fasahaaddu wey badan yihiin waxaana ka mid ah:

Shirkiga,Allah wuxuu yiri:kuwii gaalloobay kana xiray dadka waddada Allah,waxaan ugu  kordhinay cadaab,cadaab kor saaran fasahaaddii ay geesteen awgeed (suuradda Annaxal, aayad lambar 88),kuwani waxay isku jamciyeen labo fasahaad gaalnimo iyo ka hortegid jidka Allah,Rabbi wuxuu yiri:dadka waxaa ka mid ah,kuwo Allah rumeeya iyo kuwo aan Allah rumaynin,Rabbigaagana wuu og yahay kuwa fasahaadda wada (suuradda Yuunus,aayad lambar 40)

Kuwa fasahaadda wada waxaad ku garanaysaa in ay beeninayaan rususha iyo xaqii oo ay ka hortagaan,Allah wuxuu ku yiri reer Fircoon:weyna inkareen iyagoo yaqiinsatay naftoodu, dulmi iyo islaweyni darteed,fiiri siduu noqday ciribta mufsiddiinta (suuradda Al-namal,aayad lambar 14),Allah wuxuu yiri,nebi Saalix wuxuu qoonkiisa ku yiri:hana adheecin amarka xadgudbayaasha,kuwa fasahaadiya dhulka oo aan hagaajinaynin (suuradda Al-Shucuraa’, aayad lambar 151 iyo 152)

Mufsiddiinta waxaa ka mid ah:kuwa dadka ku khiyaaameeya miizaanka,kuwa rixin gooska ah,kuwa raashiinka ku cayaara ama daadiya,kuwa sixirka la yimaada,kuwa dadka dulmiya, kuwa xalaalaysta munkarka,kuwa dagaallada huriya ama dadka isku dira,kuwa dadka dila iyo kuwa heshiisyada ka baxa,mufsiddiinta waxaa ka mid ah:kuwa dadka barakiciya,dadka cabsi geliya,dalkana ku abuura nabadgelyo xumo,si uu dalka ugu baaho fowdo iyo nidaam xumo kaddibna ay ka faa’idaystaan kuwa fasahaadda wada fowdadaas.

Fasahaaddu waxaa ka mid ah:in koox koox loo kala baxo,koox kastana ay ku andacooto in iyadu ay sax tahay,Allah wuxuu yiri:kuwa diintooda ku kala tagay,noqdayna kooxo,xisbi kastana uu ku faraxsan yahay waxa uu agtiisu yahay (suuradda Al-Ruum,aayad lambar 32), laakiinse Allah wuxuu yiri:Allahna wuu og yahay cidda wax fasaadin iyo kan hagaajin (suuradda Al-Baqara,aayad lambar 220),sidaas daraadeed Allah wuu reebay firqooyinka iyo kooxaysiga,wuxuuna Allah amray wadajirka,wuxuuna yiri:hana murmina,haddii kale waad fashali,xooggiinana wuu tegi (suuradda Al-Anfaal,aayad lambar 46),Allah wuxuu kaloo yiri: xarigga Allah ku dhega dhammaantiina hana kala tegina (suuradda Aali Cimraan,aayad lambar 103)

Fasahaadda waxaa ka mid ah:nin mas’uul laga dhigay oo loo dhiibay xoolihii ummadda, haddana isku qasa maalkiisa iyo maalkii lagu aaminay,kaasoo hadduu rabo ammaanadii cunaaya,hadduu rabana dadka deeminaya,una isticmaalaya sidii xoolihiisa oo kale.

Fasahaadda waxaa ka mid ah:in dhulka la kharibo,hantidii guudna la baabi’iyo,dhirtii iyo geedihiina la xaalufiyo,kaasina waxay ka mid tahay fasahaadda midda ugu ballaaran,Allah wuxuu yiri:abaalka kuwa la dagaalama Allah iyo rasuulkiisa una socda fasahaadda dhulka waa in la dilo  ama la waro ama loo gooyo gacmahooda iyo lugahooda is dhaaf ama laga fogeeyo dhulka,arrintaasina waxay adduunka ku mudan yihiin dulli aakhirana waxay ku leeyihiin cadaab weyn  (suuradda Al-Maa’ida,ayad lambar 33)

Waxaa in saaran in aan isku kaalmaysano la dagaalanka fasahaadda,kana dhigno qadiyad bulsheed oo aysan jirin cid u gaar ah,balse qof kasta waxaa saaran xil sidii uu dagaal ugu qaadi lahaa fasahaadda,lamana badbaadayo haddii aan lala dagaaltamin fasahaadda,sidaas daraadeed wuxuu Allah noogu yeeray in aan la dagaalano fasahaadda lagana aamusin, waxaana la ogsoon yahay haddii laga aamuso fasahaadda kii geestay iyo kii aan geesaninba uu ku dhacayo musiibo iyo caro Allah,macnaha labaduba wey saamaynaysaa musiibada.

Loomana baahna in qofka loo qoslo oo madaxa loo salaaxo marka uu dadka iyo dalkaba fasahaadda ku wada ama uu fasahaadinayo shaqadiisa ama uu xadayo ammaanadii loo dhiibay,waa in aan gacanta ku dhignaa ama gacanta loo geliya dadka mas’uulka ka ah maamulka meesha uu ku sugan yahay.

Saxiixul Bukhaari lambar 3346 iyo lambar 3598 iyo saxiixu Mulsim lambar 2880 waxaa ku xusan in Zeynab binti Jaxsha Allaha ka raalli noqdee ay ku tiri,rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,ma la halaagmi doonaa oo mala baaba’aynaa kuwaasi,macnaha kuwa wanaagsan ma la halaagmi doonaan kuwa fasahaadda geestay,wuxuu rasuulku ku jawaaabay:haa,marka uu bato fisqiga iyo xumaatada.    

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Waa inoo markale iyo mowduuc kale hadduu Allah idmo

Den Haag/Holland   

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=45134

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”