Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 597 views

12-ka Oktoobar:Sanadguuradii 62-aad ee maalinta calanka Soomaaliyeed..WQ.Halgame Dr.C/Qaadir C.Boolaay

Waxaa maanta ii farxad ah in marka hore aan halkani  hambalyo iyo bogaadinba  uga dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah  12 Oktoober oo ku beegan sannadguuradii 62aad ee helidda Calanka Qaranka Soomaaliyeed,waa maalin xusid mudan oo ku weyn sharafta dadka iyo dalka Soomaaliyeed,waxaana Ilaahay ka baryeynaa in ummadda Soomaaliyeed quluubtooddii isku soo dumo oo colaadda Ilaahay ugu beddelo nabad dhibatadda ku habsatay Eebbe ka qaado, si loo gaaro midnimo iyo horumar.

Halgankii sharafta badnaa ee naf iyo maalba loo huray waxaa maanta nasiib daro ah in dawladihii dareska ay ku dhiiradaan in ay boobaan ama si fudud ku qaataan khyraadka badda iyo biriga Soomaaliyeed, taasi waxaa u sabab ah burburka iyo kala go’a shacabka Soomaaliyeed oo shalay ahaa mid kuna himiloonayey in maalin maalmaha ka mid ah in la  heli doono Soomaali weyn oo mideysan, waxaa horay loo yiri, “Midnimado waa awood, kala tagguna waa burbur” hase yeeshee inta uu nool yahay damiir Soomaaliyeed oo ka damqada boobka iyo dhaca lagu haayo shacabka Soomaaliyeed waxaa xaqiiqo ah in marna aan si fudud lagu qaadan doonin taako ka mid ah badda iyo biriga Soomaaliyeed, waxaan leeyahay kuwa  aan damiirka lahayn in ay ka fogaadaan u hiilinta cadowga Soomaaliyeed oo damaca weyn ka leh in ay qaataan bad weyntii Soomaaliyeed, maxaa yeelay qof alla qofkii dambi ka gala dadka iyo dalka wuxuu geli doonaa taariikhda madow.

maxresdefault

Haddii si kooban u xuso calanka soomaaliyeed oo noociisu yahay circka oo kale oo xiddig cad ay dhexda kaga taalo taasoo astaan u ah Soomaali weyn oo isticmaarkii 5 qeybood u kala qeybiyey waxaa calanka qaranka soomaaliyeed la sameeyey Taariikhdu markay ahayd 12kii Oktober 1954tii, waxaana sameeyey ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan.

Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa nin wadani ah ayaa in badan shacabka Soomaaliyeed ah aysan aqoon magaciisa iyo waliba Muuqaalkiisa, waana ninka Sawirkan ka muuqda calanka soo saaray, Marxuumka ayaa markii u sameeyey Calanka wuxuu dood dheer la galay dad badan oo ayagu su’aalo ka weydiiyey astaamaha calanka, waxayna dooda ugu weyn ka imaaneysay dhanka Gumeystayaashii oo ayagu markii hore diiday Calanka Buluuga ah. Maxamed Cawaale Liibaan illaahay Janadiisa ha ka waraabiyee wuxuu ahaa nin ay ku weyntahay isla markaana aad u qiimeeya Walaaltinimada ummada Soomaaliyeed ee isku ISIR, AF iyo dhaqanba ah.Waxayna taasi astaan u tahay Xiddigta cad ee Bartamaha kaga taala calanka Soomaaliyeed oo ka tarjumeysa Jeceelkii uu u qabay Soomaali-weyn oo ay xiligaasi kala qeybsadeen Awoodihii Reer Yurub oo ay ku qaybsadeen shirkii Berlin sanadkii 1884kii waxaa hormood u ahaa dawladda Ingiriiska natiijadii shirkaasi waxaa soomaaliya loo qaybiyey 5 qaybood, dawaladda Ingiriiska waxay nasiib u heshay 2 qayb oo ka mid ah dhulka soomaaliyeed oo maanta loo yaqaanao Soomaali Galbeed iyo Soomaali Bari N.F.D, dawladda Talyaaniga na wuxuu qayb ahaa u qaatay Konfurta Soomaaliya, dawladda Faransiiskana waxay qayb ahaan u qaadatay dhul xeebeeda ee Djabouti, dawladda Ingariiska laba qayb ka mid ah dhulka soomaaliyeed wuxuu hibeeyey dawladda Itoobiya iyo Kenya.

1- Koonfurta Soomaaliya oo loo yaqiinay Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya

“Somali Italian” xiligaasi  gacanta ku haayay Dawladda Talyaaniga

2- Waqooyi Soomaaliya  oo loo yaqiinay Dhulka Somaliland ee Biristishka  “Somali

Britishland” oo dawalada Ingariiska gacanta ku haayay.

3- Soomaali Galbeed oo hadda  ka tirsan maamulka dawaldda Itoobiya oo dawladdii

Ingiriiska gacanta u gelisay dawladda Itoobiya

4- Waqooyi bari N.F.D oo hadda ka tirsan Kenya, xiligaasi ganacta ay ugu jirtay

dawladda Ingiriiska.

5- Jabuuti oo xiligaasi gumeysanayey dowladda Faransiiska.

MidabkaCalanka
Marxuum Maxamed Cawaala Liibaan Midibka Calaanka wuxuu ku micneeyey nabadgalyo, Buluuga-na wuxuu ku tilmaamay Barwaaqadda dalkeena uu leeyahay, Bada, Cirka (Hawada) iyo Dhulka. Sidoo kale midabka Buluuga ayaa lagu tilmaamaa midabka Biyaha oo ah Aasaaska Nolosha, tilmaamaha u bixiyey Marxuum Maxamed Cawaale waxay caddeyn u tahay in dalkiina uu yahay dhul barwaaqo leh

Soo Bandhigidii Calanka

Markii uu Maxamed Cawaale Liibaan uu u soo bandhigay ururka SYL iyo kuwa mucaaradka ah ba dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Libaan, nasiib wanaag aniga oo ah Cabdulkadir Cali Bolay waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xiligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii xornima doonka SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqay in la qaato hindisaha uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan

Hase yeeshee markii loo geeyey maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Zair iyo kan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa “United Nations-ka” sidaasi darteed aan la ogoleyn calan dal leeyahay, maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkeystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin Maxaa yeelay wuxuu u agyahay calanka dalka Zair


Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka (Zaire) xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi / Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib  maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya ogolaaday in la qaato calanka buluug ah xiddigta cad dhexda kaga taala.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad iyo aad u qurux badan , kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himiladda ummadda soomaaliyeed oo ah in la helo soomaali weyn oo mideysan “Pan Somalism”.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 62 sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galay, halgankaa soo ay hogaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL kuwaas ka soo horjeeday ama diidanaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalayaasha.

Taariikh Kooban waa sida tan hoos ku qoran:

Haddii  si kooban u xuso halgankii gobonima-doonka Soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal degayo 62 guuraddii astaanta calanka u ah Qaranimadda shacabka Soomaaliyeed. Waxaana jeclahay dhallinyaradda qurbaha ku dhallatay iyo kuwa dagaalkii sokeeye ka dib dhashay ee ku nool dalka in ay fahmaan dhibaatadda xanuunka badan loo soo maray xornimadda maanta aynu haysano, hase yeeshee waxaa nasiib daro ah in  dawladdii dhexe ee aynu lahayn gacanteyna ku burburinay, dalkii na maanta uu noqdo maamul goboleeydo yar yar oo aan awood lahayn, sidaasi darteed waxaan ku baaqayaa in laga fiirsado arrintaani maanta loo gurbaan tumaayo oo ah Federal system maxaa yeelay dadweynaha soomaaliyeed waa reer guuraa oo aan xad kala lahayn ma na u baahan in la kala xirxiro oo la dhex dhigo fidno iyo colaad hor leh

Runtii xornimadaasi kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag oo dhiig fara badan loo daadiyey, sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradda maanta joogta in ay ku daydaan doorkii wax ku oolka ahaa ee dhallinyaraddii Soomaaliyeed ka soo qayb qaadatay xornimadda.

Dhallinyaro ka kooban 13, waxaa u suurta gashay markii ugu horeysey taariikhduna ahayd Bishii May 15, 1943-kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo-doon ah oo la magac-baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan siyaasi ahayn.

Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddelay urur weyn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, ururkaasi waxaa albaabadda loo furay taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasoo go’aansaday halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah, sidii loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.

Waxaa xusid mudan 11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad weyn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badneyd uguna caansaneyd, sababtoo ah waxaa dhacaayey gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed, Maanlintaasi oo ay dhaceen dagaalo ba’an oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale. Maalintaasi waxaa dalka ku sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood ugu xoog weyn ee adduunka oo ku guuleystay dagaalkii labaad ee Addunka kan koobnaa, dowladda Mareynkanka Mr. Utter, dowladda Ingriiska Mr. Stafford, dowladda Ruushka Mr. Feodorof iyo dowladda Faransiiska Mr. Burin Des Rosier.

Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo 1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar Youth Club) oo ay isku mabada’ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaadka ahayd oo ku bahoobay daladda “umbrella” la magac baxday Patriotic Beneficient. Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar .

Guddigii markii ay dhageysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyey , waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka Soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qabkii iyo hanaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa.

Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii shacabka soomaaliyeed u suurto gashay in ay hanato calanka buluuga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku fano. Abwaakii Cabdullahi Qarshe heestiisi calanka oo ah : “Qolobaa calankee
Kuwaa ceynoo, Innagaa keenu waa – Cirkoo kale’e – Ee aan Caadna-laheyn – Ee aan Caashaqee – Xiddig Yahee Cadibaa  – Naa-CiidamiseeCaradaan Kaligaa Aadow CurateeAdceeda Sideeda ee CAAN Noqo’ee”

Gabagabadii xuskani sannad guuradii 62aad ee calanka qaranimada soomaaliyeed waxaan halkani baqaa ugu dirayaa dhamaan dhallinyaradda soomaaliyeed in ay qayb weyn ka qaataan dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta dadkii soomaaliyeed ee colaada dhex martay in ay is cafiyaan oo ay gunta dhiisha isaga dhigaan sidii dalka dib loogu soo celin lahaa sharaftii uu shalay lahaan jiray, maxaa yeelay maanta waxaa nasiib daro ah dawlado shalay ka baqi jiray awood iyo  haybadda shaacabka soomaaliyeed in ay maanta ay ku dhiiraddaan ama damac weyn ka leh in si fudud u qaataan badda iyo biriga ba isla markaasi na fara gelin xoogan  kula jira siyaasadda  dalka. Dhallinayaradda soomaaliyeed waxaa ku dayasho muddan dhallintii naftooda u huray  in ay dalka gaarsiiyaan xornimo taamo ah isla markaasi na dadaal xoogan ku jiray sidii ay u heli lahaayeen soomaali weyn oo mideysan taasi ayay ahayd ujeedooyinkii xisbiga SYL.

Halgame Dr. Abdulkadir Ali Bolay

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=45552

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj