Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 887 views

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washinton oo markii ugu horeysay booqday Minneapolis + Sawirro

Ugu horeyn waxay booqashadooda ka bilaabeen Madxafka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota halkaasi oo uu ku soo dhaweeyey Cismaan Maxamed Cali oo ah aas’aasaha iyo Gudoomiyaha Madxafka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed iyagoo ku soo wareejiyey qeybaha kala duwan ee madxafka uu leeyahay.
Ambassador Axmed Ciise Cawad oo Soomaaliya u fadhiya Washinton iyo Safiirka Norway ee isna fadhigiisa yahay Magaalada Washinton Kare Ass ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota halkaasi oo ay kula kulmeen jaaliyadda Soomaalida ee Gobolka Minnesota.

intaasi kaddib ayaa waxaa ay booqdeen Suuqa Soomaalida ee Karmel Mall ee Magaalada Minneapolis halkaasi oo ganacsiyo kala duwan ay ku leeyihiin inta badan dadka Soomaaliyeed.

Danjiraha  Soomaaliya  u fadhiya Washinton Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in ujeedada booqashadooda ay tahay sidii ay ula socon lahaayeen xaaladda Soomaalida ku nool halkaasi.

Sidon kale Safiirka Norway u fadhiisa Maraykanka ayaa booqasho ku imid Minneapolis si ay u  aragto dadka reer Minnesota oo asal ahaan kasoo jeeda Norway laguna qiyaaso 13%,

“Waxaan isla soconaa safiir Axmed, sidaasi oo kale, waxaan rabaa in aan wax agaado Soomaalida reer Minnesota sida ay u nool yihiin, horumaka ay sameeyeen dhanka shaqada, waxbarashadda iyo is-dhexgalka iyo sida ay uga mid noqdeen bulshada Maraykanka.

unnamed-1-3 unnamed-2-3 unnamed-3-3

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=45826

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj