Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,244 views

Mareykanka oo xambaartay mas’uuliyadda duqeyntii Mudug, war cusubna ka soo saaray arrimaha Soomaaliya (Wareysi)

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay duqeyntii diyaaradahoodu ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug isla markaana lagu bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saqfiirka Dowladda u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Stephen Schwaartz ayaa qiray in duqeynta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ay ahayd mid khalad ah isla markaana lagu qaaday xero ay degenaayeen ciidamada milateriga, wuxuuna meesha ka saaray in maamulka Puntland ka dambeeyay falkaasi.

“Al-Shabaab ayaa dadka u sheegeysa in duqeynta ka dhacday Gaalkacyo ay ka dambeysay Puntland, hase yeeshee waxaan rajeynayaa inaysan shacabka ka maqli doonin” ayuu yiri Mr. Stephen Schwartz oo sheegay inay weli socdaan baaritaanada dhacdadaasi.

Ambassador Schwartz oo u waramayay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa ka hadlay arrimo badan, gaar ahaan socdaal uu ku tegay magaalooyinka ay ku badan yihiin jaaliyadaha Soomaali-Mareykanka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ujeedada socdaalkiisa ay ku saabsaneyd sidii uu u ogaan lahaa doorka dowladiisu ka qaadan karto arrimaha Soomaaliya.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=45852

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj