Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 312 views

Sheeko, sheeko Q. 11aad: Gaso, ganuun, Gasiin W/Q Prof. Cali Jimcaale Axmed

Sheeko, sheeko!      Sheeka Xariir!

 

Raq waraabe. Waraabe dhintoo, tuuladii waa nabad. Dhegdheer dhimatoo/dhulkii waa nabad. Waxay ahayd maalin lagu diirsaday, kal iyo laabna loo khashuucay hiillo ka timid libaax rixin iyo qaraabo aqoon ah. Raynrayn, faajafaajo, iyo farxad ayaa tuuladii afarteeda dacal laga dareemay. Waxaa maalintaas la sheegay in dadki tuulada oo aan naffar ka harin isugu soo baxeen Gawaanki Makrilaawe ee ku yiil bartamaha deegaanka. Waxaa kale oo la yiri, waxay maalintu ahayd beri ay soo noqotay qadderin iyo is-tixgelin mug weyn oo aad ka dheehan kartey qaab wanaagga ay dadku isu gacan qaadaayeen, ama ay is kula hadlaayeen. Waxaad arkeysay dadki oo isla hadlaaya oo aan kala hadleeyn. Kala sariigasho iyo is xaqdhowr suuban ayaa tuuladii hareeysay. Isku soo duub oo waxay maalintu tilmaan iyo milicsiba u ahayd hilow horleh oo ku dhowaadey in tabihi iyo dhaqanki laga bartay wabarki wabarrada dib u soo noqdo. Waa dhaqan aadmiye, waxay guushi keentay in la helo isu soo dhowaansho ku meel gaar ah. “Tagto daa ee timaado qabo,” ayaa af kastaa oo qoyani ku celceliyay. Qawaar ul aan baakoor ahayn cuskanaa ayaa yiri, “Xasuustaa ma xiriiriyo. Cawo dhalad Allow nooga dhig!”

Qawaarka hadalkiisa ayaa ahaa mid sarbeeb xambaarsan. Waxuu si dadban dadka u tusaayey qoonsimaad isa soo taraayey, asii afka lagala maagay.  Hunnu hunnu ama nuxnux diraddiraale dadka isku nushiya. Hunnu hunnu hadal maaha, himbiriirsi arag maaha. Waxaa maalintaasi lagu midoobey iska dhicinta horor waraabe, oo igaarti ulaha ama dhengedaha iyo warmaha isu haysan jirey ay hal cadaw oo keliya yeesheen. Barbaarti goobta joogtay ayaa iyuna gartay dulucda ducadi qawaarka. Waxay bilaabeen in ay ku baratamaan hal-abuur maanso lagu cabbiraayo wax aan weli hore loo arag, asii kaabiga dhugmada qofka jalbeysani muha karto. Qaar ayaa yiri jalbeysane waa Dhebed ama galow ama fiin. Waxaan dhicin asii dhici rabo ayuu dhebedku sheegaa. (Ma is-tiri, maxaan u dhehi waayay, “ayeey dhebeddu sheegtaa”? Waxaan rabaa in aan maankeyga ka hadlo, iyada oo aan ka madaxbannaanahay kan sheeganaya in uu sheekada qoraayo. Mururuq badan oo aad hore u soo aragtay, waxay marmar ka tarjumeysay, loollan anigaan sheegaya sheekada igala dhexeeya kan qoraaga ah. Waxaan marmar isku heeysannay qaabka iyo tubta ay sheekadu qaadeyso. Waxaan in badan oo hore ka codsaday qoraha in uu iga daayo qalindaarka. Waxuu iigu hanjabey in uu akhristaha u muujin doono in aan ahay wax ka abuurmay maankiisa, oo la’aantiisaba aan ahay qalfoof meel duur ah qandoodda. Waxaa ka maqan in kurtigeyn ama dhammaanteynba isu baahannahay. Waa tii la yiri, “biyo qabe iyo budo qabe waa isu baahanyihiin.”  Teeda kale, haddii sheekadu qurxanaato oo aad loola dhaco, usuga ayaa mudnaanta koowaad helaaya.  Marmar, waa taynu hore u niri, waxaa jira masayr ama hinaase doqomeed oo is cirib tira sida tirxiga ka dhasha marka badarku radin ku raago. Akhristow, haddaad doonto waa na soo kala dhexgeli karta oo noo kala gar naqi kartaa. Waxaan soo jeedinayaa oo keliya in aad taladaada ku soo hagaajiso kan sheegta qoraalka sheekada. Marka aan leeyahay, “kan sheegta,” quursi iyo naceeb igama aha. Waxaan u hayaa tixgelin gaar ah. Teeda kale, ma rabo in uu u qaato in aad ka hiillisay. Waxaan rejeynayaa in lagu dawoobo taladaada.)

Waa tahay. Aan dib ugu noqonno sheekadi. Barbaarki gawaanka joogey ayaa sacab iyo bootin isku daray. Igaar ayaa bus yiri, mar kaasuu u mahadceliyay qawaarki ducada tubay. Waxuu hadalkiisi ku so af jaray: “Waaniyow, aawow, wal feylan yaa sheegahaaytay.”

Sheeko, sheeko Q. 10aad: Gaso, ganuun, Gasiin W/Q Prof. Cali Jimcaale Axmed

cali_jimcaale_ahmed
la soco Q.12aad
W/Q.Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.Ahmed@qc.cuny.edu

 

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=45883

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”