Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,447 views

Filimkii ugu qosolka badnaa oo ay sameeyeen Somalida Mareykanka

Bandhig dhaqanka Soomaaliyeed ka tarjumayay oo dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Minneapolis ayaa waxaa abaal marin caalami ah ku kasbaday Soo saaraha Filim ka oo lagu magacaabo Muuse Saciid kana tarjumayay shaqo la’aanta iyo guud ahaan duruufaha ay ku nool yihiin dhallinyarada Soomaali-Mareykanka ah.

Filimka waxaa kale oo uu sharaxaad ka bixinayaa khilaafka waalidka iyo caruurtooda, saaxibtinimada xayawaanka Eyga, dhaqanka Soomaalida iyo dadka ay la nool yihiin ee ku dhaqanka dalkaasi Mareykanka.

Dhinaca kale bandhigga dhaqanka Soomaalida oo ay ka soo qeyb galeen fannaaniin, abwaano, kumanaan qof oo ka socda jaaliyadaha Soomaali-Mareykanka ayaa waxaa halkaasi lagu soo bandhigay heeso, murti iyo suugaanta ay dhaqan ahaan Soomaalidu leeyihiin.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=45996

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj