Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 582 views

RA’YI: Reer Mudug arrinta Gaalkacyo maxay isku raacsanyihiin?

Cinwaanku wuxuu ku qurxoonaa in laga dhigo waxyaabaha reer Mudug isku diidanyahay; waayo waxyaabaha ay isku raacsanyihiiin lama tirokoobi karo maadaama ay yihiin dad wax lugu kala sooco aan lahayn. Waxa ay isku raacsanyihiina waxaan u doortay waa saad wanaagsan. Tan kale waxaan u jeedaa arrimaha ay isku raacsanyihiin ee khuseeya magaalada Gaalkacyo, waxaana ka mid ah:

1- Magaalada Gaalkacyo waa magaalo soomaaliyeed oo dadka hadda isku haya ay wada leeyihiin.

2- Magaaladaan dadkeeda si kasta way ugu filantahay oo maaha meel ciriiri ku ah deegaankooda iyo noloshooda midna.

3- Diin ahaan, caqli ahaan iyo maslaxad ahaanba waxay ku habboontahay in lugu wada daganaado nabad, walaalnimo iyo iskaashi khayr.

4- magaaladani dadkeeda iyo soomaaliba waxay ugu badisaa in nabad iyo wanaag lugu wada daganaado’ waayo dhaqaalaha ayaa kobcaya, horumar degdeg ahna waa ka hirgalayaa, waxayna noqon lahayd guntinta soomaali isaga xiranto.

5- Haddii taa la waayo ma jirto qolo kaligeed nabad ku daganaan karta ee waxay isu badalaysaa xero-geel aan nina nabad ugu gam’i karin xataa haddii qolo u adkaato oo colaada ku samirto waxaysan ku samri karin busaarada ku habsan doonta; waayo nina dhagaxa cadcad ee Gaalkacyo caana ka dhami maayo.

6- Waxaa Mudug isku raacsanyahay inay suurtagal tahay, ayna sahlantahay in si kama dambays ah loo xalliyo mashaakilka gobolka ka jira oo loo wada guuro xero nabadeed iyo walaalnimo oo loo aayo adduun iyo aakhiraba.

7- Ugu dambayn haddii arrin sidaa yahay maxaa magaalada iyo dadkeedaba meesha xun dhigay oo waxa xilka leh baday?.

Waa inoo qormo kale oo aynu ku eegi doono waxa arrintaas hortaagan, in shaa’ Allaah.

Waxaa Qoray:
Sh. Axmed Cabdisamad

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=46097

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”