Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 627 views

RA’YI: Kacaanka 21 Oktoober dhib iyo dheef

Sooyaal walba wuxuu leeyahay raad uu reebo, dhib iyo dheef laga dhaxlo. Haddaba afgambigii 21 Oktoober 1969kii, ayaa bulshadu ku ka la aragti duwan tahay, waxayna u qaybsan tahay saddex qaybood;

1. Qayb u aragta inaan dhib mooyee dheef laga helin
2. Qayb u aragta inaan dheef maahine dhib laga helin
3. Qayb u aragta inuu dhib iyo dheefba lahaa.

Waxaa jiraal ah, in carra edge (Adduunka) wax walba, oo yimaad ay dhib iyo dheef labadaba leeyihiin, haddii si dhab ah loogu dhabbogalona la heli karayo halka dheelligu ka galay.
Haddaba 1Luulyo 1960kii ayaa bulshada Soomaaliyeed hanatey gobonnimo kana hoos baxday gumeysigii ku habsaday geyigeenna muddo ku dhaw 80 gu’na maamul muruq ku dhisan ku haystey.

Ka dib midowgii iyo isu taggii labada gobol, ee waqooyi iyo Koonfur, waxaa la aasaasay xisbiyo siyaasadeed, oo fara badan, qolo weliba ujeedkoodu ahaa, in hoggaanka dalka ay hantaan. Waxaa ugu horreyntii dalka Soomaaliyeed ka hirgashay, dowlad ku timid doorasho iyo cugasho ay bulshada Soomaaliyeed intey bannaanka u baxeen intii markaa daneynaysay codkooda dhiibteen ka dibna halkaas xildhibaanno iyo golaha shacabka metela iyo madaxweyneba la doortey.

Doorashada xorta ah waxaynu nahay waddankii Afrikaanka ah, ee ugu horreeyey ee hirgeliya muddo 9 gu’ ah, inaga oo weliba aan tabareysan lana daalaadhacayna barashada hannaanka dowladnimada iyo hirgelinta nidaamka sinnaanta sharciga iyo garsoorka, la dagaallanka nin jeclaysiga iyo musuqmaasuqa, cilladona jiraan, hase yeeshee, dadku nabad ku wada dhaqan yahay, ayaa waxaa la diley oo dabin loo maleegayey madaxweynihii Cabdirashiid Cali Sharma arke (AUN) oo isagu ahaa Madaxweynihii labaad ee ku xigay Aadan Cabdulle Cismaan((AUN).

Waxaa 21 Oktoober 1969kii mayalka u qabtay hoggaankii dalka koox ciidamo ah oo qiireysan, kooxdan oo ka la ujeeddo ahayd ayaa ujeedkoodu ahaa inay wax ka beddelaan hannaankii siyaasadeed ee ku dhisnaa doorashada, iyaga oo u arkay, in dalka nidaam dowladeed oo awood ku dhisan laga hirgeliyo, shacabkana talada lagala wareego, waa halkey u go’dey.

Markii ay taladii dalka qabsadeen, dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaan hadba waxaa cusub inay u riyaaqaan sacab iyo mashxarad ayay ku soo dhaweeyeen, hase yeeshee indheergaradku waa ka biyo diideen, waayo askari inuusan dowladnimo loo dhan yahay keenayn, awood ku muquunin maahine xeer iyo qanuuna uusan ku dhaqmayn way ogaayeen.

Askartii waxay billaabeen dardar cusub, durtaba waxay samaysteen halku dhegyo lagu jujuubayo dadku iney taageeraan, waxaa dalkii galay saf ciddii ka leexatana waxaa loogu yeedhay KACAANDIID, waxay askartii keeneen in wixii tooda aan ahayn ay yihiin gef iyo deelqaaf qofkii lagu qabtaana dil yahay.

Halkaa waxaa ku godgalay gobonnimadii qofku lahaa ee ahayd inuu dalkiisa si madax bannaan ugu noolaado, waqtigii gumeysiga arrinka askartu la timid ama igu daba fayl ama waa ku dilayaa ma jirin ee gumeysigu cidii taladiisa diida waa la xaajoon jirey.

Askartu dhinaca kale waxay ka dardargeliyeen hawlihii dowladnimo, dhisme iyo dhaqaaleba waa abuureen, waxayna kor u qaadeen oo tayeeyeen dhinacyada wax soo saarka dalka, beeraha, kalluumeysiga, waxbarashada, caafimaadka iyo awoodda ciidanka.

Askartii dalka afgambiga ku qabsatey waxay keeneen, arrin xoog iyo xeelad ah, waxay soo dejiyeen hawlgal ay ugu magacdareen ISKAA WAX U QABSO, hawlgalkani ma lahayn siyaasad hufan oo loo dajiyey ee wuxuu ahaa mid awood ku dhisan oo qof walba ilmoyar iyo waayeel aan awoodinba si awood ah loogu qasbayey inuu uga shaqeeyo dhismaha xarumaha dowladda iyo kuwa adeegga bulshada.

Ogoow dadkani inay cashuur bixiyaan, haddii qofku cashuur bixiyo maaha in lagu qasbo in xooggiisana la helo, waxaase loo bandhigi karaa inuu isagu si xor ah iskii u ogolaado inuu ka qayb qaato dhismaha dalkiisa.

Askartu waxaa lagu xasuustaa inay wax weyn ka qabteen abaartii dabadheer ee ku habsatey dalka iyagoo si wanaagsan oo cilmiyeysan ugu gurmadaybulshadii iyo deegaamadii abaaruhu ka dhaceen.

Askartu waxay suurtageliyeen, qorista iyo horumarinta qoraalka farta Soomaaliga oo muddo soo jiitamayey, si wanaagsanna waa u dardargeliyeen, iyagoo xitaa sameeyey olole lagu gaadhsiinayo in qof walba oo Soomaali ahi waxna qori karo waxna aqri karo.

Waxaa dalka Askartu ka hirgeliyeen, dhaqdhaqaaqyo badan oo dhinaca dhaqaalaha dowladda hoosta ah, sida Warshado iyo wax soo saar leh iyo wakaalado dhammaantood dowladda hoostaga.

Askartu waxay cunaqabateeyeen in qofku si gaar ah wax u yeelan karo, marka laga reebo dad loo xidhay mashaariic badan oo xidhiidh ehelnimo iyo mid saaxiibnimo la lahaa hoggaanka dalka.
1975, wixii ka dambeeyey 6daa Sanno waxaa billowday hoos u dhicii waxqabadkii Kacaankii Askarta 21ka Oktoober, waxaa billowday cabudhintii dadweynaha, awood ku tagrifalkii iyo dilkii badheedhka ahaa.

Dagaalkii 1977 ee la la galay dowladda Itoobiya, oo isaguna aan lahayn qorshe siyaasadeed oo qoto dheer marka laga reebo qiirada iyo muusannoowga ah yaa maali jirayeey, wuxuu sababay burburkii awooddii ciidanka, taasoo waddamadii cadowga ku ahaa Soomaaliya una arkayey in la wiiqo awood ahaan iyo dhaqaale ahaan u noqday fursad ay kaga faa’iidaystaan Carabta, reer Galbeedka iyo waddamada deriska ahba.

Ugu dambayn Kacaankii wuxuu isu beddelay KACAANKII GEERIDA, 1978 -1990 wax ka dhaca maahine ku ma aysan soo kordhin waxba, waxaana awooddii kacaanku isugu ururtey afar qof oo uu hoggaanku dalku aaminsan yahay, kuwaasi siday doonaan ugu tagrifalay una adeegsaday awooddii dalka oo dhan.

Dilka, dhaca, boobka, iyo xabsigu wuxuu noqday wax caadi ah oo aan cidnaba dhibaato u arag, waxaa sii xoogeystay kacdoonka shacabka, waxaana qof weliba wejiga saaray halkuu u arkayey badbaado.

Waxaa ciidankii dowladda ee la jeclaa noqday bahal laga cararo marka la arko, iyaguna waxay noqdeen,dugaag ugaadhsada dadweynihii loo tabobarey inay ilaaliyaan oo cadow iyo nacab ka dhawraan.

Kacaankii wuxuu billaabay in labadii beelood ee deris ahba uu hubka isugu dhiibo, si ay uga mashquulaan dadkana nacayb iyo kala foggaansho dhexdhigo, qolona uu la safto qolona ka safto, colaaddaas oo miyi iyo magaalo isaga talowday. Qofkii hadla iyo kii madaxa kor u qaadana dil iyo xabsi ayaa loo diyaariyey.

Haddaba 21kii Oktoober waa maalintii iyo goortii, magaca Soomaaliyeed la bud dhigay, waa maalintii gobonnimada iyo xoriyada Soomaaliyeed loo loogey cadowga, waa maalintii shacabka talada gacantooda laga saarey ee koox qawlaysata ahi gacanta ku dhigtey, waa maalintii burburka Soomaaliya la ambaaqaday.

Layskuma hayo in wax badan la dhisay, dhismayaal, waddooyin, warsashado, ciidan iyo qalab, waxaase u baasbaxay in dhammaan dadkii dhisay ay gacmahooda ku burburiyeen, markii ay dadkii iyo dalkiiba gacan cadownimo ku sooreen.

Haddii barkad malab ah lagugu rido oo ku liqaysa maaha macnaheedu in lagu nooleeyey ee waa in wax nafci leh lagugu dilay. Haddaba maalintan 21ka Oktoober waa maalin dhib iyo dheefba lahayd, waxaase badnaa dhibkeeda.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr777@gmail.com
Galayr1977@hotmail.com

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=46382

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj