Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 862 views

Haddii aan diidnay in sharciga islaamka aan wax ku qaybsano Maxaa inoo diidaya in aan qabiil wax ku qaybsano!!

(1-5)

Qaybta Kowaad

Dad badan waxaa laga yaabaa in ay is weydiyaan,maxaa keenay su’aashan,sidee baa sharciga islaamka loo tuurayaa oo qabiil loo qaadanayaa,dad kaloo badana waxay qirayaan in ay dhab tahay su’aashan oo kale in la isweydiiyo,maxaa yeelay sheekada waxay u eg tahay in diintana afka laga sheegto,masjidkana lagaga dhaqmo,qabiilkana aan dalka iyo dadka ku hoggaamino dastuurna ka dhigano,macnaha in la sameeyo sida ay sameeyaan gaallada oo kale,kuwaasoo aaminsan in diinta laga fogeeyo maamulka siyaasadda iyo dawladnimada laguna dhaqmo oo keliya kaniisadaha,dawladda iyo dadkana lagu dhaqo dastuur la sameeyay.

Innaguna tabtaa oo kale baad mooddaa in la samaynayo oo waxaa si dadban loo leeyahay: diinta islaamka ha looga sheekeeyo oo keliya masaajidda,wadaaddaduna yey soo dhaafin masaajidda,wacdigooduna halkaas haka wadeen,dawladda iyo dadkana lagu dhaqo sharci la sameeyay oo sal u ah qabiilka,haddii aad si dhab ah u fiirisidna waxaad arkaysaa in meel kasta lagaga dhaqmayo qabiilka,maamul kasta oo meel laga samaynayo waxaa lagaga dhaqmaa qabiilka,wadaadkii soo hadal qaadana in dalka iyo dadka lagu dhaqo shareecada islaamka,waxaa la leeyahay orodoo masjidka ka wacdi,haddii kale magacaaga waxaa loo gudbinayaa gaallada si ay kuugu daraan liiska Al-Shabaab ama Daacish,xataa waxaa cajiib ah in kuwa loo yaqaano diinlaawayaasha ama kuwa munaafiqiinta loo yaqaano waxay ku guulaysteen in masaajidda qaarkood ay qabiilkii dhexgeliyeen oo waxaad arkaysaa in maamulo badan oo ka dhisan masaajidda qaarkood lagu dhisay nidaamka qabiilka ku dhisan, yey nala fogaanine aan marka hore falaqayno waxa uu qabiilku yahay iyo waxa dalka iyo dadka lagu dhaqayo oo maslaxad u ah,ma qabiil mise diin.

Dawladda casriga ah ka hor wuxuu qabiilku ahaa dawlad guurta oo hadba meel u guurta, labo arrimood ayaan ku khasbaysay arrinkaasi,dhaqaale iyo nabadgelyo,dhinaca dhaqaalaha wuxuu qabiilku ahaa mid ku tiirsan oo noloshiisu ku xiran xoolaha,sidaas daraadeed waa in uu qabiilku u guuraa hadba meesha uu nolol ka helayo oo xoolihiisa ku daaqi karo,xata haddii ay taasi u keento in uu meeshaasi xoog ku qabsado wuu yeelayaa,dhinaca nabadgelyaduna wuxuu qabiilku markasta ka fogaanayay meelaha ay khatarta kaga soo gaari karto,hadduu liitana uma dhowaanayo meelaha ay joogaan qabaa’ilka xoogga leh,marka uu is bahaysi la samaysto mooye ama uu sheegtaba in uu qabiilkaasiba ka mid yahay si uu nolol u helo,u fiirso  qabaa’ilka yaryar marka ay la degaan qabaa’ilka waaweyn waxay sheegtaan in qabaa’ilkaasi ay ka mid yihiin.

 

Jasiiradda carabta waxaa ka jiri jiray dagaalo qabiileeed oo dhiig badan ku daadan jiray,sida ay Soomaaliyaba ahaan jirtay oo xoolaha iyo biyaha xoog la isugu dhici jiray,casrigan aan joognana in Soomaaliya ay weli ka socoto dagaalkaas qabiileeedka ah,sida la ogsoon yahayna islaamka ka hor waxaa dadka iyo dalkuba dastuurba u ahaa qabiilka,kaasoo noloshooda ku dhaqi jiray iskuna maamuli jiray,ninka badowga ahina oo nidaamkaas qabiilka ku dhisan ku noolaa wax dan ah ee uu ka lahaa adduunka iyo aakhiradiisaba ma jirin,danta qabiilkiisa mooye,wuxuuna la safan jiray shar iyo khayr,ceebna uma arkaynin in uu hujuumo ama uu daandaansado ama uu xoog ku muquuniyo dadka masaakiinta ah,balse in xoolaha masaakiinta uu xoog ku qaato wuxuuba u arkaayay geesinimo waana lagu dhiiraggelinaayay,maahmaah ayaaba sheegaaysa:ninkii xoog leh baa xabagta goosta,nooguna filan dagaalkii sokeeye ee ka bilowday Soomaaliya ilaa iyo imminkana socda.

Qofka qabiilistaha ahi wuxuu doonayaa in uu ummadda dib ugu celiyo mujtamicii bidaa’iga ahayd (primitive society),kaddibna uu qabiilkiisa u soo dhaco wixii hanti ah ee lagu aaminay ee dawladda iyo dadkuba milki u lahaa,dabadeedna lagu yiraahdo waa nin gob ah oo geesi ah oo nasab nasab dhalay ah,gob iyo nasabna waxay u fasirteen in uu yahay kan dadka dila oo dagaalka u horseeda,kan dalka dhaca oo dadka u kala eexda,kan danta qabiilkiisa mooye aan dan ka lahayn danta dalka iyo dadka iyo diinta.

Waxaa kaloo xilligaasi lagu jiray jahliga la takoori jiray qaar ka tirsan qabaa’ilka iyo dumarka,waxaana loo arkaayay in ay yihiin dad aan qiime lahayn qowlkooduna wax ka soo qaad lahayn,waxaana mag-dhaw laysku siin jiray haddii qof,qof kale ku soo xadgudbo,geel mag ah iyo gabadh godob reeb ah,waana taynu imminkaba aan ku aragno qaar ka mid ah maahmaahyadeena in lagu liido laguna qiime tiro dumarkeena,sida maahmaahyada oranaysa:Kal caano galeen xirgi ma gelin(xirgi waxaa loola jeeda caqli),mid kalena waxay leedahay:Naakiro intey ku nabto ayay nebi kaaga horumartaa (naakiro waxaa loola jeeda naashiso ama naakirad),mid kalena waxay leedahay:Indheergarad rag waa ku yar yahay, dumarna kumaba jiro,mid kalena waxay leedahay:Naagta carrabkeeda waa seef aan marna mirirayn,mid kalena waxay leedahay:Caano baqay haddaad aragto waa bi’iso naagood,mid kalena waxay leedahay:Naago hiil haka sugin,mid kalena waxay leedahay: Naago iyo riyo toona looma dhutiyo,mid kalena waxay leedahay:Maslaxad naag laga raadiyo waa mallaay ama kalluun duur laga raadiyay,mid kalena waxay leedahay:Shir naagood oo shan dhaafay waa shar iyo kuwo kaloo badan oo la mid ah,gebi ahaana lagu liidayo dumarkeena.

Laakiinse imminka sheekadii wey is beddashay kuwii la liidayay oo dumarka ahaa garab bay heleen waliba gaallo ayay garab ka heleen,diintii iyo xishoodkiina daaqadda ayay ka tuureen intii Allah u naxariistay mooye oo faro ku tiris ah,gaalladuna waa sidii ay doonayaane, dumarkii bay ragga ku direen,guryaha ka soo baxa bay ugu soo sheekeeyeen,idinka iyo ragga isku mid baad tihiin bay ugu soo wacdiyeen,ragga la tartama bay dhegta ugu soo sheegeen, waxayna kaloo u soo sheegeen:in dumarka ay haystaan rag Soomaali ah oo la soo barbaarsaday,dumarkii kuwoodii daciifka ahaa waxaa lagu soo yiri:aarsada dalka iyo dadka waad xukumi kartiin,soo baxa meesha ay ragga fadhiyaan fadhiista,xaqiina soo dhacsada, wasiiro noqda,baarlamaanka xubin ka noqda,madaxtinimada dalkana isku soo taaga,jikada iyo korriimada carruurtana hala qaybsado,annaguna (gaallada) garaab baan idin noqon doona,kii idinka soo horbaxana waxaan gelinaynaa liiska Al-Shabaab ama Daacish.

Dumarku waxaad mooddaa in ay ciil qabaan,xuquuqul insaan la soo dhoodhoobay baa loo soo aqriyay,qabiilka ayaana hormuud looga dhigay in ay ku badbaadi karaan,nimankii cisiga iyo sharafta ku lahaa dalkii hooyo,waxay ku karaamo beeleen markii loo soo qaxay galbeedka,niman badan ayaa guryahoodii laga soo saaray,niman badan ayaa loo diiday in ay carruurtooda arkaan,niman badan oo aqoonyahano ah ayaa dhex fadhiya guryahooga sidii xoolaha oo kale,sababtuna waxay tahay naagti aysan diin shaqo ku lahayn waxay la wareegtay hoggaankii guriga,masruufkii iyada ayaa haysa,amarkii iyadaa ayaa bixinaysa carruurtii iyada ayaa amar siinaysa,ninkiina waxaa ku dhaxay:Afkii baa juuqda gabay, natiijadii waxay noqotay in caro Allah ku dhacday,xaalka guryahaasi farxad ha sheegin,muran iyo is qabqabsi joogto ah lagama baxo,markii dacwada gaallada gaartana waxaa lala safanayaa dumarkii,raggii ayaana bannaanka loo soo saaraya.

Kuwaasi fasaadka wada,ama dumarka ha ahaadeene ama ragga liita ha ahaadeene,iskuma jeedaanba in ay fasahaad wadaan waxayba isku haystaan in ay saxsan yihiin,Allah wuxuu yiri:marka lagu yiraahdo dhulka ha fasahaadinina waxay leeyihiin:annagu waxaanu nahay hagaajiyeyaal,macnaha annagu islaax baan wadnaa ee ma wadno fasahaad (Al-Baqara,aayad lambar 11).

Waxaa nasiib xumo ah in mujtamaceena uu yahay majtamac qabiil ku dhisan,xataa kuwa afka ka sheega oo yiraahda annago ma nihi qabiilistayaal,waxaad arkaysaa iyagoo laabta ka jecel qabiilka,u fiirso kan oranayo:anigu qabiiliste ma’ahi,qabiilka waa nebcahay,haddana waxaad arkaysaa isagii oo ka qaybgalaya shirarka qabiilkiisa,difaacaya,hantidiisana ku bixinaaya qabiilkiisa khayr iyo sharba,saxiixul Bukhaari lambarada kala ah 33,34,2682,2749 iyo 3178 iyo saxiixu Muslim lambarada kala ah:58 iyo 59 waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Cabdullaahi bin Camr iyo abu Hureyra kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:afar sifadood ama astaamood qofkii lagu arko wuxuu noqdaa munaafiq dhab ah:markuu hadlayo been buu sheegaa,markuu ballan qaadana wuu gooyaa, markuu heshiis galana wuu khiyaameeyaa,markuu saaxiibkiisa is khilaafaana wuu qarxiyaa oo ceebaahiisa ayuu bannaanka keenaa,werin kalena waxay sheegaysaa:saddex waa calaamadaha lagu garto munaafaqa:markuu hadlayo been buu sheegaa,markuu ballamana wuu gooyaa,marka wax lagu aaminana wuu khiyaameeyaa.

Waa inoo markale iyo qaybtii labaad hadduu Allah idmo

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Den Haag/Holland

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=46481

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj