Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 755 views

Khilaaf ka taagnaa culimada Soomaalida Rochester ee gobolka Minnesota oo la soo afjaray

Culimaa’udiinka degan magaalada Rochester ee gobolka Minnesota dalka Mareykanka ayaa kulan ay ka yeesheen khilaaf soo kala dhex galay waxay ka gaareen heshiis rasmi ah, waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa waxgarad, odayaal iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolkaasi ku dhaqan.

Ex Xildhibaan Maxamuud Geedi Ow Hilowle oo ka mid ah odayaasha magaalada Rochester ayaa shabakadaan u sheegay in kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan sidii meesha looga saari lahaa khilaafka iyo kala aragti duwanaanshaha ku saabsan culimada.

14641960_1092749840843036_6685496318575429190_n14691044_1092749760843044_6522006646284877703_n Khilaafka culimada Soomaaliyeed ee degan magaalada Rochester ayaa bannaanka u soo baxay taariikhdu markay ahayd bishii September 12-keedii sanadka 2016-ka xilligaas oo ku beegneed tukada salaadda Ciidul-Fitriga.

Qodobada looga hadlay kulanka waxaa ka mid ahaa in culimaa’udiinka ay isku aragti ka noqdaan xilliyada munaasabadaha Islaamka, tukashada salaadaha, cibaadada iyo arrimo kale, iyadoo meesha laga saaray in khilaafka culimada uu salka ku hayo arrimo qabiil.

Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay xubno uu ka mid yahay Ex Xildhibaan Maxamuud Geedi Ow Hilowle oo sheegay in kulankaan laga gaaray heshiis hordhac ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in heshiiskani ahmiyad gaar ah u leeyahay Soomaalida degan magaalada Rochester.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=46611

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj