Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 855 views

Gabar Soomaali ah oo London lagu guddoonsiiyay abaal marinta MBE

Gabar Soomaali ah ayaa billad caalami ah lagu guddoonsiiyay magaalada London, kaddib markii munaasabad ballaaran lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Boqortooyada UK.

Billadaan oo ay bixiso Boqorada dalka Ingiriiska ayaa la sheegayaa in gabar lagu magacaabo Ayaan uu guddoonsiiyay Wasiirka Britain u qaabilsan qaaradaha Afrika iyo Bariga dhexe Tobias Ellwood, waxaana ka soo qeyb galay jaalidaha Soomaaliyeed ee dalkaasi degan.

Gabadha Soomaaliga ah ayaa la sheegay in billadda ay ku muteysatay dhinaca fanka iyo dhaqanka doorka ay ku lahayd, iyadoo muddo sanooyin ah ka soo shaqeysay arrimahaasi.

“Billadda la i gudoonsiiyay waxay dhiirigelin u tahay howlaha aan u hayo dadkeyga Soomaaliyeed” ayay tiri Ayaan oo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay nasiibka ay u yeelatay billadda caalamiga ah.

14606256_1246784468721820_653451867898268563_n 14671359_1246784505388483_9219742411065493857_n 14705604_1246784465388487_3198576377066967868_n 14717258_1247041698696097_7542967764595121692_n 14724446_1246784498721817_7777604703781668453_n

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=46660

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj