Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 623 views

Haddii aan diidnay in sharciga islaamka aan wax ku qaybsano Maxaa inoo diidaya in aan qabiil wax ku qaybsano!!

Qaybtii Labaad

Marka aan qaadano jawaabta su’aashan waxay noqonaysaa: innago shaqo kuma lihin diin, balse waxaan shaqo ku leenahay qabiil,waana teyno aragno in marka aan dawlad dhiseyno nooc kastoo ay ahaataba waxaa tiirar looga dhigaa qabiilka,Allah subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri:dadow,waxaan idinka abuuray,lab iyo dheddig,waxaana idinka yeellay shucuub iyo qabiilooyin si aad isugu garataan,ruuxase ugu sharaf badan oo ugu karaamo wanaagsan Rabbi agtiisa,waa qofka ugu dhawrsasho badan oo ugu taqwada fiican,Allahna wax walba waa ogyahay (suuradda Al-Xujuraat,aayad lambar 13).

Tafsiirka Adhabari,ibnu Kathiir iyo qaar kale ayaan ka soo xiganay fasirka aayaddan iyo sababta ay ku soo degtay,sida la ogsoon yahayna wadarta qabiil waa qabaa’il,waxaana lagu macneeyay koox dadka ka tirsan oo ay u nasab sheegtaan hal aabbe ama hal awow,waxaa kaloo la yiri:macnaha aayddan waa in aan is garano,macnaha hebel ina hebel ina hebel la yiraahdo,isku garashadaasina waxay muhiim u tahay xiriirinta rixinka iyo dhaxalka,macnaha in uu qofku garto dadka ku waajibta in uu xiriiriyo iyo hadduu geeriyoodo ciddii dhaxli lahayd,sunnooyinka Tirmidi waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:nasabkiina ka barta,macnaha sida aad qaraabada u xiriirin lahaydeen,maxaa yeelay xiriirinta rixinka,waxay u wanaagsan tahay ehelka,xooluhuna wuu badiyaa,cimriguna dib ayuu u dhigaa,sheekh Albaani Allaha u naxariistee wuxuu xadiiskan ku saxiixay saxiixu Tirmidi lambar 1979 iyo saxiixul jaamic lambar 2965

Tusaale kale:qof ayaa waxa uu dhalay dhowr carruur,qof kastana wuxuu siinayaa magac u gaar ah si uu qofka kale uga garto magaciisa,erayga ah:si aad isugu garataan,macnihiisu ma’ahan si aad isugu faantaan xagga nasabka balse isu faaniddu waa taqwada,rasuulka sallallaahu caleyhi wasallamana wuxuu ka digay in qofka uu u nasab sheegto ruux aan aabbihiisa ahayn,inkastoo la arkay dad badan oo Soomaali ah markii ay u soo qaxeen arlada galbeedka in hooyooyin badan ay inkareen in carruurtooda ay siiyaan magaca aabbahood, maxaa yeelay hooyadii dhalaysay uma qornayn in cunugga uu aabbe leeyahay,Allah ayaan ka magangalnay arrintaasi,saxiixul Bukhaari lambar 6766 iyo saxiixu Muslim lambar 63 waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay sacad Allaha ka raalli noqdee,kasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii ku andacooda in uu isku nisbeeyo aabbe aan aabbihiisa ahayn uuna garanayo arrinkaasi jannada waa ka xaaraan.

Waxaa kaloo la shegay in shucuuban loola jeedo labka qabaa’ilna loola jeedo dheddigga, maacnaha guudna ay dadka nasan ahaan u siman yihiin,qaar qaar kale ka faani karana aysan jirin,bacdamaa laga yimid hal nin iyo hal naag,waana aadan iyo Xaawo,imam Dhabari wuxuu tafsiirkiisa ku sheegay isagoo leh:shucuub waa ka weyn yaha qabaa’il,kaddibna waxaa imaanaya darajooyin kale,waxaa kaloo la sheegay in shucuub loola jeedo:sida ay cajamtu u kala baxaan halkaasina laga isticmaalo,qabaa’ilna laga isticmaalo meelaha ay carabtu degaan, halka reer banii Isra’el ama Yuhuud ay isticmaalaan Asbaadh oo ay tilmaamayso sida ay u kala baxaan,waxaa kaloo lagu macneeyay shucuub in ay tahay nasabka fog,qabaa’ilna reer hebel oo reer hebel ka sii ah,hayeeshe sharaf ahaan dadka oo dhan waxay ka yimaadeen ciid, waxayna giddi u nasab sheeganayaan Adam iyo Xawa’,waxaase lagu kala fadli leeyahay arrimaha diinta,kaasoo ah dhaacada Rabbi subxaanahu watacaalaa iyo raacitaanka manhajka rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama.

Qofka muslimka ah laguma qiimeeyo qabiilkiisa,balse waxaaa lagu qiimeeyaa taqwadiisa, sidaas ayaana waajib ah caqligalna ah in bani’aadanka lagu qiimeeyo laguna miizaamo, laakiinse waxaa nasiib xumo ah in bulshooyin badan oo islaam sheegta ay doorteen nidaamka qabiilka ku dhisan,kaasaana la isku qiimeeyaa waxna lagu qabta dawladnimaduna lagu  dhisaan,qoyska hadduu dhib soo gaarana kaasaa lagu xaliyaa,carruurtana la baraa laguna soo barbaariyaa in ay qabiil wax ku guursadaan.

Waxaa loo baahan yahay in la eego sababta ay aayaddan ku soo degtay,qaar waxay leeyihiin waxay aayaddan ku soo degtay:nin la yiraahdo abi Hind,sida ku xusan sunnooyinka abu Daawuud,soona weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,wuxuuna sheegay in abaa Hind uu ahaa toobe,wuxuu toobay rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,wuxuuna abaa Hind ahaa addoon la xorreeyay,waxaana xorreeyay ninka la yiraahdo Farwa bin Camro Al-Bayaadi, wuxuu markaasi rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ku yiri reer banii Bayaada:guursada abaa Hind,gabdhihiinana u guuriya,macnaha iska guursada,markaas bay reer banii Bayaada yiraahdeen,intuu kibir iyo isla weyni galay jahli darteedna ugu galay:hablaheena miyaan u guurinaa dad aan haysano oo addoomo noo ah,markaasuu Allah soo dejiyay aayadda 13aad ee suuradda Al-Xujuraat,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan ku saxiixay kitaabkiisa saxiixu sunnan abu Daawuud lambar 2102,wuxuu kaloo ku taxsiiniyay saxiixul jaamic lambar 7896, naago badan oo Soomaalida ka mid ahna waxay sameeyen dagaalkii sokeeye kaddib loona soo qaxay galbeedka arrin mucjiso ah,iyagoo qaarna la saaxiibay niman gaallo ah,kuwo kalena ay la aqalgaleenba nikaax la’aan,markii ay Soomaaliya joogeena waxay ka faani jireen walaalahooda Soomaaliyeed ee muslimka ah.

Sabab nuzuul kale waxay sheegaysaa in aayaddan ay ku soo degtay Thaabit bin Qays bin Shammaas,markuu ku yiri kaddib nin uu uga dhaqaaqi waayay fadhiga,ina heblaayo,nebiga sallallaahu caleyhi wasallama ayaa markaasi yiri:yaa sheegay hebaalyo? Thaabit ayaa markaasi yiri:aniga rasuul Allow,nebiga ayaa markaasi yiri:fiir wejiyaalka qoonka,Thaabit wuu fiiriyay,markaasuu nebigu yiri:maxaad aragtay?,markaasuu Thaabit yiri:waxaan arkay caddaan iyo madow iyo casaan,markaasuu rasuulku yiri:haku kala fadli yeelin taqwada mooye,sidaas daraadeed waxay aayaddan ku soo degtay Thaabit,Allah wuxuu yiri:kuwii xaqa rumeeyay,macnaha Allah iyo rasuulkiisa aaminay,marka la idin yiraahdo isu waasiciya fadhiga,isu waasiciya Allah wanaagga ha idin waasiciye (suuradda Al-Mujaadala,aayad lambar 11).

Sabab nuzuul kale waxay sheegaysaa in ibnu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee uu yiri:markii la furaayay Maka,wuxuu rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama amray in Bilaal Allaha ka raalli noqdee uu fuulo kacbada dusheeda si uu uga addimo,markaas ayaa dadkii meesha joogay qaar ka mid ah ka soo fulay hadallo aan wanaagsanayn,Cataab bin Asiid bin abil Ciis baa yiri:Rabbi baa mahad iska leh oo aabbahay oofsaday,si uusan u arag waxa maanta dhacayo,Xaarith bin Hishaamna wuxuu yiri:Muxammad miyuusan helin qof kaloo addima intuu keeni lahaa tukahan madow iyo qaar kaloo badan oo sheegay hadallo kaloo xun xun, Jibriil ayaa markaasi u yimid rasuulka wuuna u sheegay wixii ay dadkaasi yiraahdeen, rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu markaasi u yeeray dadkii hadalladaasi ku hadlay,weyna qirteen,markaas baa Allah soo dejiyay aayaddan,waxaana loo sheegay in dadka ay ku kala fadli badan yihiin oo keliya taqwada,dadkoo dhanna ay ka wada yimaadeen Adam iyo Xaawo.

Waa inoo markale iyo qaybtii saddexaad hadduu Allah idmo

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Den Haag/Holland

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=46675

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj