Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 495 views

Jaaliyadda UK oo Deegaanka CAMAARA ka Furtay Isbitaal lagula Tacaalayo Cudurada Guud

Waxaa Dhawan Degmada Camaara oo ka tirsan Degmada Xarar dheere ee Gobolka Mudug laga furey Isbitaal , waxaana Furitaankii Isbitaalkaas ka qayb galey Xildhibaano ka tirsan Galmudug , Culimaudiin, Waxgarad ,Nabdoono, Haween , Dhalinyaro iyo Ardeyda Dugsiyada ee wax ka barata Deegaanka Camaara .

Ugu Horeyn waxaa Kulankaas ka Hadley Maamulaha Guud ee Isbitaal Axmed Salaad Xasan waxaa uu sheegey in Ujeedka loo furey Isbitaalka ay tahay markii aan Ogaaney Baahida Caafimaad ee ay qabaan dadka Deegaanka kuwaa oo ka fog Xarumaha Caafimaadka waxaa uu sii raaciyey

“Adeegyada kale ee Isbitaalka sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa loo soo dhameystiri doonaa sidoo kale waxaa isbitaalka Camaara ka howl geli doonaa Dhaqaatiir , kalkaaliyaal iyo Umulisooyin si loo haqabtiro Baahida Caafimaad ee Bulshada ku nool Camaara

Isbitaalka oo ay Maalgeliyeen Jaaliyada UK ee ka soo jeeda Deegaanka Camaara ee uu Hogaaminayey Axmed Nuur Maxamuud Barkhadle ayaa waxaa kaloo ka md ahaa Dadkii ka Hadley Xilldhibaan Xasan Cabdulaahi Cascaseey oo ka tirsan Xildhibaanada Galmudug waxaa uu ugu Horeyntii u Mahadceliyey Jaaliyada Uk isagoo sheegey in Bulshada Deegaanka Camaara u qabteen Howll loo baahnaa oo Waqtigeedii ku soo beegmey

Muna Maxamed Diirshe oo ku Hadleysey Magaca Ururdada Bulshada Rayidka ayaa u mahadcelisey intii ka soo shaqeysey Dhismaha Isbitaalka Camaara iyadoo ugu baaqdey Dadka Deegaanka Camaara in ay Ilaalsadaan isbitaalka oo wixii ay ku kordhin karaan ku biiriyaan

Cabdicasiis Maxamed Xasan oo ku hadlayey Jaaliyada Bariga Afrika ayaa isna u Mahadceliyey Jaaliyadda Uk isagoo Ugu Baaqey Jaaliyadaha kale ka soo jeeda Deegaanka Camaara in ay ku daydaan Jaaliyada Uk. Maadaama ay jiraan Baahiyo kale oo ka jira Deegaanka Camaara

Guddoomiyaha Degmada Caamara Shiikh Yuusuf Salaad Maxamed ayaa Mahadcelin ka dib waxa uu sheegey in jiraan baahi kale oo Adeegyada Bulshada ee ay qabaan Dadka deegaanka Camaara Baahi kale waxaa uu u soo jeediyey Jaaliyadaha kale ee ka soo jeeda Deegaanka in ay ku deydaan Jaaliyadda Uk

Shiikh Xasan Maxamed Cabdi oo ku hadlayey Magaca Culimaudiin Degmadda Camaara ayaa halkaa ka jeediyey baarujin ku aadan sida loogu baahan yahay in Bulshada is Caawiyaan taasoo lagu gaari karo Horumar la Taaban karo

Gudoomiyaha Haweenka Midnimo Xalimo Xasan Carab oo ka hadashey Furitaanka Isbitaalka Guud ee camaara ayaa aku dheeraatey Dhibaatooyinka mar waliba la soo Gudboonaadaan Haweenka iyo Caruurta taasoo ay ku tilmaantey kuwa aad u nugul Xanuunada

Degmada Camaara Waa degmo Istraaji ah oo isku xirta Tuulooyinka Xinlibi, Caad, Ceelhuur, Warshubo, Dabagalo iyo Faax, sidoo kale waxaa hoos taga tuulooyin kor u dhaafaya labaatameeyo, sida Baraag-Gawaan, Baraag-dhagoole, Garabcadde, Sirgo, Qoraley, Korodhi, Tuulo Cali Jaamac, Meygaag Caad, Gumar, Ceelgaras, Hal iyo Nirig, Gabdhoole iyo kuwa kale oo fara badan.

Degmada Camaara waxay ka kooban tahay 5 xaafadood oo kala Hormuud, Jalaleey, Barwaaqo, Godeey iyo Xaafad cusub oo lagu biiriyay loona bixiyay Liibaan.

Degmada waxay caan ku tahay dhanka Beeraha iyo Xoolaha waxaana xusid mudan inay leedahay Ceelal Biyo Macaan oo si fudud loo qodi karo, waa magaalo ku fiican ganacsiga iyo dalxiiska.

dsc00471 dsc00501 dsc01324 dsc01327 dsc01348 dsc01349 dsc01350 dsc01351 dsc01365 dsc01366 dsc01367

W/D Amin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=46988

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”