Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 684 views

Kooxda Jenyo oo markii labaad ku guuleysatay koobka Jan. Daa’uud

Kooxda K/Cagta LL.PP. Jeenyo ayaa rigoorayaal 4-1 koobka Jeneraal Daa’uud uga qaaday Banaadir kaddib waqtiga caadiga iyo waqtigii dheeriga ee dheesha oo la isla dhaafi waayay 2-2.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 oo ay ku hogaamineyso Banaadir.

Bilowga ciyaartuba la iskuma dheefin oo waxaa labo fursadood oo halis ah helay Daadir Amiin Daada oo fursad qaali ah ka khasaariya Banaadir isagoo u gooyay goolhayaha balse dhammeystiri waaya.

Durbadiiba Feysal oo weerarka kaga ciyaara Jeenyo ayaa helay fursad ka qaalisan midkii Banaadir isagoo waji ka waji ula tagay goolhaya balse laga qabtay.

Jeenyo ayaa fursado kale heshay balse iska khasaarisay, laakiin Banaadir ayaa markan ka faa’iideysatay fursadeeda oo waxaa hogaanka u dhiibay Iimaan ee ka mid ah xiddigaha ajaanibta ee kooxdaas.

Mar lagu dhow yahay in la kala maro qeybta hore ee dheesha daqiiqadii 42 ayaa waxaa Banaadir gool labaad u dhaliya Qeys oo runtii kubbad baas dheere cajiib ah helay isagoona dhinac dhigay goolhayaha.

Jeenyo ma aysan sabrin oo afartii daqiiqo ee lagu daray qeybta hore dhammadkeeda ayaa waxay la yimaadeen gool runtii aad u qurux badnaa oo ay si wayn isugu soo dhii dhiibeen.

Catoosh ayaa soo dhex jeexay daafacyada Banaadir wuxuuna u dhiibtay Xasaasi oo cirib ugu sii wareejiyay, Catoosh oo goosha hor taagan ayaa isna si xirfadeysan goosha u dhinac dhigay.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Daqiiqadii 65-aad ayaa kubbad koorno la soo qaaday gool u badelay Meema oo ciyaarta ka dhigay 2-2.

Feysal ayaa fursad halis ah sameeyay daqiiqadii 73-aad kubbad uu si wayn uga soo shaqeeyay Meema oo aad u soo jiiday dabadeed farta ka saaray Feysal, laakiin goosha ayuu hareer mariyay.

Ciyaarta ayaa waqtigii loogu tala galay ku dhammaatay 2-2 oo waxaa lagu daray 30-daqiiqo oo dheeri ah.

30-kii daqiiqo ee lagu daray ayaa isna la isku mari waayay oo wax goolal oo dheeri ah la isaga dhalin waayay oo waxaa la isla tagay Rigoorayaal.

4-1 rigoorooyaal waxaa koobka ku qaaday Jeenyo.

Daadir camo, Meeyma, Eeneey iyo Xasaasi ayaa rigoorooyinka u dhaliyay Jeenyo.

James iyo Mustaf Maksuwel ayaa laga qabtay oo Iimaan oo qura ayaa u dhaliyay Banaadir.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=47017

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj