Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 393 views

Haddii la diiday in sharciga islaamka la isku xukumo, maxaa inoo diidaya in qabiil la isku xukumo..?(3-5)

Qaybtii saddexaad

Ka jawaabidda su’aasha,qaarna wey u caddahay,mana doonayaan in ay sheegaan,qaarna uma cadda mana doonayaan in ay ogaadaan,hayeeshee waxaa loo baahan yahay in la  caddeeyo oo la yiraahdo,innagu shaqo kuma lihin diinee waxaan shaqo ku leenahay qabiilka oo nalagu soo barbaariyay,geed hoostiisana gar ku goyn jirnay arrimaheenina aan qabiilka ku xalin jirnay,macnaha jawaabtu waxay noqoneysaa:islaamka waan doonaynaa kumana camal falayno,qabiilkana dooni maynu waana ku camal falaynaa.

Sida la ogsoon yahay dadku waxay u kala baxaan,dad xun iyo dad fiican,dad wax garanayo iyo dad aan waxba garanayn,dad wax arkayo iyo dad aan waxba arkayn,dad caqli leh iyo dad waalan,dad Allah ku xiran iyo dad aan Allah ku xirnayn oo caasi ah,dad sunnada rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ku taagan iyo dad aan ku taagnayn,qof taqiga ahna looma barbar dhigi karo qof caasi ah oo aan Allah ka baqayn,qof shareecada ku dhaqmaayana looma barbar dhigi karo qof qabiilka ku dhaqmaayo,dadkana waxaa ugu sharaf badan kan Allah iyo rasuulkiisa sallallaahu caleyhi wasallama aaminsan,xalaasha iyo xaaraantuna kala saari karo,qadiyadduna ma´ahan reer hebel iyo reer hebel,balse qadiyaddu waxay tahay yaa u dhow Allah oo si fiican ugu dheggan xariggiisa,yaase aan Allah u dhoweyn kuna dhegganayn xariggiisa,haddii aad si fiican u dhuuxdona suuradda Al-Baqara waxaa ku xusan in dadka loo qaybiyay saddex kooxood:koox Allah rumaysan,koox gaallo ah iyo koox aad khatar u ah oo madax adag dhagarna badan waana kuwa munaafiqiinta lagu tilmaamo.

Markii rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama loo soo dhiibay risaalada islaamka ilaa uu Rabbi ka oofsado wuxuu la dagaaltamayay qabiilka,dadkana wuxuu ku boorinaayay walaaltinimada islaamka,waxaana la ogsoon yahay qofka ku dheggan xarigga Allah in uusan cidna ka baqayn qabiilna u baahnayn,Allah wuxuu yiri:mu’miniintu waa walaalo,hagaajiya walaalihiina dhexdooda,Allahna ka dhowrsada waxaadna u dhowdihiin in la idin naxariisto (suuradda Al-Xujuraat,aayad lambar 10),waxaana la yiri:walaaltinimada diinta wey ka adag tahay kana sugan tahay walaaltinimada nasabka,maxaa yeelay walaaltinimada nasabka wey go’aysaa marka la khilaafo diinta,walaaltinimada diintana go’i mayso markii la khilaafo nasabka.

Ibnu Mascuud Allah ka raalli noqdee wuxuu yiri:koox Quraysh ka tirsan oo mushrikiin ah ayaa soo maray nebiga sallallaahu caleyhi wasallama isagoo la fadhiyay asxaabtiisa oo ay ka mid ahaayeen:Suhayb,Khusayf,Cammaar,Bilaal,Khabbaab iyo qaar kale oo ka tirsanaa masaakiinta muslimiinta,markaas bay Qurayshtii yiraahdeen:Muxammadow,ma waxaad raalli ku noqotay in kuwan ay qoonkaaga noqdaan,ma waxaad doonaysaa in aan kuwan raacno,ka saar fadhigaaga oo eri,haddaad erisana waan ku raacaynaa,markaasuu Allah soo dejiyay aayaddan,wuxuuna Allah yiri:hana eryin kuwa baryi Rabbigood aroor iyo galabba,iyagoo dooni wejigiisa,dushadana ma saarna xisaabtooda,iyana xisaabtaada waxba kama saarna, haddaad eridid,waxaad ka mid noqonaysaa daalumiinta (Al-Ancaam,aayad lambar 52)

Allah wuxuu kaloo qur´aankiisa ku yiri:kuwii xaqa rumeeyay,macnaha kuwii Allah iyo rasuulkiisa aaminay,haka yeelanina aabayaalkiin iyo walaalihiin sokeeye,haddii ay ka jeclaadaan gaalnimada iimaanka,ciddiise ka sokeeye yeelata oo idinka mid ah,waxay kuwaasi yihiin daalumiin (suuradda Attowbah,aayad lambar 23)

Gaalka cadowga ku ah islaamka,waxaa cad in uu cadow ku yahay qofka muslimka ah,xataa qofkaasi ha noqdo hadduu doono,walaalkaa oo aad isku aabbe iyo isku hooyo tihiin,Allah wuxuu yiri:ma helaysid qoon Allah rumeeyay iyo maalinta danbe oo haddana jecel ruux Allah iyo rasuulkiisa khilaafaya,haba ahaadeen aabbayaalkood ama carruurtood ama walaalahood ama qaraabadood,kuwaasi aan jeclaanin,waa kuwa qalbigooda iimaanka lagu dhigay,Allahna ku xoojiyay gargaarkiisa,wuxuuna gelin jannooyin webiyaal dhex socdaan kuna waari (suuradda Al-Mujaadala,aayad lambar 22),

Qisadii nebi Nuux caleyhissalaam iyo wiilkiisa noogu filan in diinta ay tahay midda walaal lagu noqdo,ruuxii Allah adheecana oo amarkiisa qaata waa walaalkaa,kii aan adheecina oo aan amarkiisa qaadan walaal kuuma noqdo,markii la haligay qoonkii nebi Nuux,doontiina ay istaagay meesha la yiraahdo Juudi oo ah buur ku taalo jasiirad u dhow Muusil ee dalka Ciraaq,ayuu nebi Nuux caleyhissalaam u dhawaaqay oo uu baryay Rabbigiisa,wuxuuna yiri: Rabbiyow,wiilkayga wuxuu ka mid yahay ehelkayga,yaboohaaguna waa xaq,adiguna xukunkaaga waa kan ugu wanaagsan,(nebi Nuux wiilkiisa waxaa la oran jiray Kancaan),Allah ayaa markaasi yiri:Nuuxow,wiilku ehelkaaga kama mid ma’aha waana camal aan fiicnayn, macnaha kama mid ma’ahan kuwa badbaaday ama kama mid ma’aha ehelka diintaada, su’aashaaduna oo ah in la badbaadiyo,waa camal aan wanaagsanayn, maxaaa yeelay wiilkaagu waa gaal,gaalladuna lama badbaadiyo (suuradda Huud,aayad 45 iyo aayad 46)

Sunnooyinka Tirmidi waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay ibnu Cumar Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu khudbeeyay maalintii la furaayay Maka,wuxuuna yiri:dadow,Allah wuu idinka qaaday oo waa idinka bi’iyay qabkii lagu joogay jaahiliyadii iyo aabbayaal isugu faankii,dadku waa labo ruux,qof deeqsi ah oo Allah ka baqayo iyo qof xun oo faasiq ah,dadkuna waxay ka yimaadeen ibnu Aadan,Allahna wuxuu Aadan ka abuuray ciid,Allah wuxuu yiri:dadow,waxaan idinka abuurnay lab iyo dheddig…ilaa dhammaadka aayadda,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan ku saxiixay saxiixul jaamic lambar 7867 iyo saxiixu Tirmid lambar 3270

Dhabaraani wuxuu kitaabkiisa Aadaabunnufuus ku soo saaray in abi Nadra uu yiri:waxaa ii warramay ama noo warramay qof goob joog ahaa khudbadii rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu ka aqriyay Mina iyadoo lagu dhex jiray bartanka maalmaha Tashriiqa loo yaqaano,wuxuuna yiri isagoo saaran awr:dadow,Rabbigiina waa mid,aabbihiinana waa mid, ma jiro carab ka fadli badan cajam,mana jiro cajam ka fadli badan carab,mana jiro madow ka fadli badan casaan,mana jiro casaan ka fadli badan madow,taqwada mooye,ma idin gaarsiiyay arrinkaasi,waxay dadkii meesha joogay dhammaantooda yiraahdeen:haa,markaasuu rasuulku yiri:haddaba qofka jooga ha gaarsiiyo qofka maqan,sheekh Albaani wuxuu silsilsada axaadiista saxiixda ah lambar 2700 ku sheegay:in sannadka xadiiska uu saxiix yahay.

Saxiixu Muslim lambar 4651 waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:Rabbi ma eego muuqaalkiina iyo maalkiina,hayeeshe wuxuu eegaa quluubtiina iyo acmaashiina,saxiixul Bukhaari lambar 5990 iyo saxiixu Muslim lambar 215 waxaa ku xusan in Cabdullaahi bin Camr bin Al-Caas uu yiri:waxaan nebiga sallallaahu caleyhi wasallama ka maqlay isagoo si caddaan ah u sheegaya oo aan qarsoodi ahayn,reer hebel oo aabbahay ah sokeeye iima ahan, waxaase sokeeye ii ah Allah iyo mu’miniinta hagaagsan.

Sida ku xusan saxiixul Bukhaari lambar 3383 iyo saxiixu Muslim lambar 2378 waxaa ku xusan in abi Hureyra uu yiri:rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ayaa la weydiiyay:yaa dadka ugu xurmad iyo sharaf badan? wuxuu nebigu ku jawaabay:kan ugu taqwada fiican,ama ugu Allah cabsida badan,markaas bay yiraahdeen:sidaas kuma aanu weydiin,markaas buu nebigu yiri:dadka waxaa ugu sharaf badan nebi Yuusuf caleyhissalaam oo nebi Allah ah oo ina nebi Allah ah oo ina nebi Allah ka sii ah oo ina khaliilullaahi ah,macnaha Yuusuf bin Yacquub bin Isxaaq bin Ibraahim,markaas bay yiraahdeen:sidaasna kuma aanu weydiin, markaas buu nebigu yiri:ma waxaad doonaysaan in aad i weydiisaan lafaha carabta?,macnaha sida ay u kala baxaan oo ay isku nasab sheegtaan iskuna faanaan,markaas bay yiraahdeen:haa, markaas buu nebigu yiri:kuwiina akhyaarta iyo sharafka lahaa waqtigii jahliga lagu jiray,ayaa sharaf iyo xurmad badan marka ay islaamaan oo ay diinta gartaan una dhaqan geliyaan sida ay tahay.

Saxiixu Muslim lambar 2564 waxaa ku xusan in abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee uu yiri: rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama wuxuu yiri:muslimka muslimka kale waa walaakiisa, waana ka xaaraan dhiiggiisa,maalkiisa iyo cirdigiisa,sunnooyinka abi Daawuud iyo Tirmidina waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Saciid Al-Khudri,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:hala saaxiibin qof mu’min ah mooye,cuntadaaduna yuusan cunin qof taqi ah mooye,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan ku taxsiiniyay saxiixul jaamic lambar 7341

Ma ka harnay qabiilka oo ma dooranay islaamka,mise weli qabiilkii qurmuunka lagu sheegay baan ku dhegganahay?

Waa inoo markale iyo qaybtii afaraad hadduu Allah idmo

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Den Haag/Holland

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=47068

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”