Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 3,495 views

FADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq

Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad ee tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku lug yeeshay musuqmaasuq xilli uu ahaa madaxa hay’adaha ka howlgala dalka.

Buug uu qoray dhowaan C/risaaq Fartaag oo ahaa madaxii Maaliyadda Dowladdii KMG ahayd laguna magacaabo “Breaking Point in Somalia ayaa sheegay in Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu lunsaday lacag dhan $900,000 (Sagaal Boqol Kun Dollar) oo loogu talo galay dayactirka Diyaatarka Qaranka.

fartaag

Lunsashada lacagtaasi ayuu buugu sheegayaa in musharax Jabriil Ibraahim uu jeebka ku shubtay sanadadii 2009 iyo 2011-ka, wuxuuna qoraaga Buugga tilmaamay in xilligaasi uu ahaa madaxa Hay’adda Cilmi Baarista iyo wadahadalka Bulshada CRD.

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo dalka gudihiisa ka wada maalmahaan ololaha musharaxnimada, isagoo booqashooyin kala duwan ku tegay gobolada dalka qaarkood ayaa weli jawaab ka bixin eedeymaha loo jeedinayo, isagoo horay dhowr goor u tegay xarunta Tiyaatarka Qaranka oo iminka bahallo galeen noqotay.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=47235

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj