Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 865 views

Cali Dhaanto oo wacdaro soo jiitay shucuurta boqolaal Soomaali ah ka dhigay UK ‘Daawo xamaasadii kursiga ka kicisay Abukar Cawaale’

Magaalada London ee wadanka Ingiriiska waxaa ka dhacay bandhig faneed lagu muujinayay dhaqanka Soomaalida, halkaasi oo ay ka soo qeyb galeen fannaaniin ka kala socday socday qeybaha kala duwan ee fanka.

Bandhigaan oo Dowladda Ingiriiska ku bixisay abaal marino kala duwan oo la guddoonsiiyay xubno u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, fannaaniin iyo shaqsiyaad door muhiim ah uga jira howlaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dalkaasi.

Cali Dhaanto oo ka mid ahaa fannaaniintii ka qeyb gashay bandhigaas ayaa halkaasi ka qaaday ciyaaraha dhaantada oo Soomaalida caanka ku tahay, taasi oo soo jiidatay shucuurta boqolaal ruux oo daawanayay.

Abuukar Cawaale oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqanka UK ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii isku celin waayay kursiga isla markaana garabkiisa soo istaagay fannaanka Cali Dhaanto oo dhinacyadiisa buuxiyeen dadweyne fara badan.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=47265

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj