Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 356 views

Haddii la diiday in sharciga islaamka la isku xukumo,maxaa diidaya in qabiil wax lagu qaybsado..? (4-5)

Qaybtii afaraad

Jawaabta su’aasha aan halkudhegga uga dhignay daraasadeena ku saabsan islaamka ama qabiilka keebaa dadkeena iyo dalkeeena ku dhaqnaa,waxaan filayaa in ay iska caddahay jawaabteeda,inkastoo haddana lagu kala aragti duwanaan karo jawaabteeda,dadka ehelka u ah diinta,xarigga Allahna si daacad ah ugu dheggan waxay ku jawaabi in ay wanaagsan tahay in dalka iyo dadkuba lagu dhaqo diinta islaamka,bacdamaa ay dadku yihiin dad muslimiin ah, laakiinse dadka calmaaniyiinta ah iyo dadka adduun raaca ah waxay iyagu jecel yihiin in dalka iyo dadka lagu dhaqo laguna xukumo qabiilka,waxayna taasi u yeelayaan si ay danahoodu ugu fushadaan danna aysan ka gelin dal iyo dad iyo diinba.

Sheekadii qabiilka ayaan ku dhex jirnayee,xataa qabiilkii waxay dhexgeliyeen guurkii oo waxaad arkaysaa marka aad ka qaybgashid xaflad nikaaxeed in labo koox loo fadhiisanayo, koox qabiilka ka socda gabadha iyo koox kaloo ka soo horjeedda oo ka socda qabiilka wiilka,muran iyo dood baa gabdhii lagu nikaaxinaya,waxayna kuwaasi qirayaan maahmaahda sheegaysa:Tol la’aani waa taws,tawsna waxaa loola jeedaa:cudur iyo mid kaleoo sheegaysa:Tolka iyo kabtuba waa in lagu dhexjiraa.

Kuwa qabiilka diin iyo nololba ka dhigtay haddii ay wax ka ogaan lahaayeen taariikhda asxaabta Allaha ka raalli noqdee ee guurkooda wey ka waantoobi lahaayeen qabiilna wax kuma guursadeen,saxiixul Bukhaari lambar 5088 waxaa ku xusan in Caa’isha Allaha ka raalli noqdee ay tiri:in abaa Xudayfa bin Cutba bin Rabiica Allaha ka raalli noqdee kana mid ahaa asxaabtii ku shahiiday dagaalkii Badar lana socday nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu haystay oo uu korsaday nin la oran jiray Saalim,wuxuuna u guuriyay Hind oo uu dhalay walaalkiisa Waliid bin Cutba bin Rabiica,Daar Qudhinina wuxuu sunnooyinkiisa ku soo saaray in Bilaal bin Rabbaax isagoo Xabashi ahaa lagu mehriyay Haala binti Coof oo ay la dhalatay Cabduraxmaan bin Coof,Zeynab binti Jaxashna waxaa lagu daray Zeyd bin Xaaritha, saxiixu Muslim lambar 1480 waxaa ku xusan in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu ku yiri Xeynab:nikaaxso Usaama bin Zayd,weyna guursatay,sidaasna waxay ina tusinaysaa in guurka laga fogeynayo qabiilka halka innago qabiil la isku guurssado.

Xadiis ku xusan saxiixul Bukhari lambar 5090 iyo saxiixu Muslim lambar 1466 waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abi Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:naag waxaa lagu xushaa ama lagu guursadaa afar waxyaabood,maalkeeda,xasabkeeda,macnaha sharafkeeda iyo heybaddeeda,quruxdeeda iyo diinteeda,laakiinse adigu ha ahaato ujeeddadaadu midda diinta leh,imaam Nawawi isaguu fasiraya xadiiskan wuxuu erayga xasab ku macneeyay:ficilka wanaagsan ee uu leeyahay ninka iyo aabbayaalkiisa,xadiiskan wuxuu inoo tilmaamayaa in markasta lala saaxiibo dadka ahlu diinka ah,maxaa yeelay la socodkooda wax badan oo faa’iido leh oo adduun iyo aakhira ayaa laga faa’idaysanayaa,sunnooyinka Tirmid iyo ibnu Maaja waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:marka uu idin yimaado,macnaha gabadhiina la soo doonto qofkuna idin raalli geliyo diintiisa iyo akhlaaqdiisa u guuriya,haddii aadan sidaas samaynina dhulku wuxuu ahaanayaa fitno iyo fasaad ballaaran oo baaxad weyn leh,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan ku taxsiiniyay kitaabkiisa saxiixul jaamic lambar 270

Aws iyo Khazraj oo ahaa ansaartii reer Madiina,nebigana sallallaahu caleyhi wasallama ay si fiican ugu soo dhoweeyeen magaalada Madiina ayaa waxay noqdeen dad walaalo ah oo is jecel,hayeeshe waxaa ka faa´idaystay nin Yuhuud ahaa oo magaalada la deggana,wuxuuna dib u xusuusiyay dagaalkii jahliga ahaa ee dhexmari jiray labadaas qolo,fidno iyo qalalaanse ayuuna ka dhex abuuray,halkaasina waxay ku illoobeen walaaltinimadii islaamka,saxiixul Bukhaari lambar 4905 waxaa ku xusan in Jaabir Allaha ka raalli noqdee uu yiri:waxaanu ku jirnay duullaan,nin reer muhaajir ahaa ayaa waxa uu dilay nin reer ansaar ahaa,markaasuu ninkii reer ansaarka ahaa yiri:reer ansaarey,ninkii muhaajirka ahaana wuxuu yiri:reer muhaajirey,rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ayaa markaasi qaylo dhaantii maqlay, markaasuu yiri:maxay tahay isu habar wacashada ehelka u ah jahliga,markaas ayay arrinkii u sheegeey rasuulka,markaasuu rasuulku yiri:ka taga oo iska daaya,waa wax uraaye,macnaha isku habar wacashada qabiilka ku dhisan ka hara waa wax qurmuun ahee.

Innagu xaalkeenina wuxuu ahaa isku habar wacasho,markuu dagaalkii sokeeye ka dhacay Soomaaliya ayaa waxaa dhacday marka qof miskiin ah la dilo kii dilka geestayna gacanta lagu dhigo ayuu dilaagii leeyahay:Tol beelayey,Tolkeygii mee,waxaadna durba arkaysaa tuugii oo la soo afanaya malaaqyadii mujrimkii waxay difaac la soo hor-istaagayaan tuuggii dilka geestay,caddaaladdii sharciga islaamkana meeshaas ayaa lagu duugay.

Markuu dagaalkii sokeeye dalka ka dhacay waani is gowracnay wax walbana waanu isku geesanay sidii gaallo iyo islam dagaaltamayo oo kale,saxiixul Bukhaari lambar 6875 waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Nafiic bin Al-Xaarith Athaqafi abu Bakra,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:haddii labo qofood oo muslim ah oo seef isku qaataan,dilaaga iyo kan la dilay labaduba waa ahlunnaar,rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama waxaa la weydiiyay,kan dilka geestay la gartayee,kan la dilay muxuu galabsaday?, wuxuu rasuulku ku jawaabay:isaguna wuxuu doonayay in uu saaxiibkiisa dilo.

Saxiixu Muslim laambar 1850 waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Jundub bin Cabdullaahi,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:ruuxii lagu dilo isagoo dadka ugu baaqaya qabiil ama u gargaarayo qabiil,wuxuu dilkiisa noqday dil jaahiliyeed,waxaa kaloo lagu fasiray dad u dagaalatamaya wax aysan garanayn in uu dagaal xaq ah yahay ama uu dagaal baadhil ah yahay,qofkii dagaalkiisa uu noqdana dagaal qabiileed ma noqonayo dagaal kor loogu qaadayo kelmaddaa laa ilaaha illallaahu.

Saxiixul Bukhaari lambar 3475 iyo saxiixu Muslim lambar 1850 waxaa ku xusan in Caa’isha ay tiri:in Quraysh ay aad uga murugoodeen haweenaydii reer banii Makhzuum ahayd oo wax xadday,markaasay yiraahdeen:yaa la hadlaya rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama oo ku dhiirran kara rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,Usaama mooye cid kale oo u tagi karta rasuulka ma jiro,maxaa yeelay rasuulku wuu jeclaa Usaama,reer Makhzuum waxay doonayeen in xukunka gacan gooska ah laga daayo haweenaydaasi wax xadday bacdamaa ay ka tirsan tahay qabiil weyn oo reer banii Makhzuum ah oo Qureysha ah,Usaama markii uu nebiga gaarsiiyay arrintii aad buu u carooday nebiga,wuxuuna yiri:Usaamow ma waxaad u shafeecaysaa xad xudduudda Allah ka mid ah,macnaha ma waxaad doonaysaa in xukunkaasi aan la fulin,kaddib wuu istagay rasuulka wuuna khudbeeyay,markaasuu yiri:dadow,waxaa baadiyoobay dadkii idinka horreeyay,waxayna ahaayeen marka uu kooda sharafka iyo akhyaarka ah wax xado waa la deyn jiray,koodii miskiinka ahna markuu wax xado xadka ayaa lagu fulin jiray,Allah baan ku dhaartaye haddii ay Faatima gabadhii Muxammad wax xaddo Muxammad wuxuu goyn lahaa gacanteeda.

Innaguna markii uu dagaalkii sokeeye ka dhacay Soomaaliya ayaa qaybo ka mid ah dalka gacanta la goyn jiray oo keliya dadkii masaakiinta ahaa marka ay wax xadaana,sida ay imminkaba u dhacdo,kuwii xoogga lahaa iyo kuwii ka socdayba dagaal oogayaasha,marka ay wax xadaana waa la dhaafi jiray lagumana dhaceen in gacantooda la gooyo.

Rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,markuu dirayay saddexdii kun ee asxaabta ahayd si ay uga qaybgalaan dagaalkii Mu´ta,dagaalkaasoo ahaa kii ugu weynaa oo ay muslimiintu galaan intuu nebiga noolaa,wuxuuna dhacay sannadkii 8aad ee hijrada,saxiixul Bukhaari lambar 4261 waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Cabdullaahi bin Cumar wuxuuna yiri:in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu amray dagaalkii Mu’ta,in taliyaha saddexdaasi kun uu noqdo Zeyd bin Xaaritha Allaha ka raalli noqdee,hadduu shahiidana wuxuu  nebigu amray in lagu beddalo Jacfar bin abi Dhaalib Allaha ka raalli noqdee,hadduu shahiidana in lagu beddalo Cabdullaahi bin Rawaaxa Allaha ka raalli noqdee.

Bal eeg,Jacfar oo ahaa sayidkii muhaajiriinta ee Xabasha wuxuu hoos yimid Zeyd oo ahaa addoon la xorreeyay kuna soo barbaaray guriga negiga sallallaahu caleyhi wasallama,haddana waxay awooddiisu gaarsiisay in uu taliye u noqdo asxaabtii saddexda kun ahayd.

Waa inoo markale iyo qaybtii shanaad oo ah qaybta ugu danbaysa hadduu Allah idmo

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Den Haag/Holland

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=47428

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”