Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 578 views

HALKAN WAA RADIO REER HEBEL: Ku soo dhowaada wararkii, Ogeysiis iyo digniin

Dhageystayaal marka hore waxaan idinka raalli gelineynaa cillado badan oo soo wajahay Istuudiyeyaasheena faraha badan ee halka qol ku yaala, intaas kaddib waxaanu guda galeynaa jadwalkeenii idaacadeed oo aad nooga barateen, hase yeeshee dhageystayaasha caalamka ku sugan waxay nagala socon karaan baraha xiriirka bulshada ee aan ku leenahay.

Barnaamijka maanta waxaa idiin daadihinaya anigoo ah Weriye Fadhi Xume, Farsamada waxaa ka hagaya Badmaceeye, waa kan Weriye Xiin Faniin oo noo soo jeediya war wixii dal iyo dibad naga soo gaaray.

Mahadsanid Weriye Fadhi Xume, Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan cidna la hadli karin Md. Xasan Kacaan ayaa ka hadlay xaaladda kala guurka ah ee uu dalka ku jiro, isagoo baaq hawada u mariyay saaxibadiisa xilliyada qaarkood wararka wiiftada ah ku tuur tuuraya.

“Anigoo ku hadlaya magaca bahweynta Soomajeeste iyo keygaba waxaan hambalyo leeyahay doorashada dadab dadabka ku socota ee ka dhaceysa degaanada jufooyinka Aricase, Beerta Weyn, xaafadda Bad iyo Webi” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Kacaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu dheg jalaq u siin doonin kuwa wararka faafiya ee qolkiisa ugu keenaya shaqsiyaadka careysan, wuxuuna caddeeyay in haddii saaxibadiisa maamula gobolada dalka ay booqdeen Imaaraadka aan loo fasiran in isagii laga tegay.

Dhageystayaal iminkana waxaad ku soo dhowaataan warkii diabadda oo ay noo soo jeedineyso Weriye Faadumo Internet, iyadoo inoo jeex jeexi doonta wixii ka dhacay dalka Turkiga oo maalmahaan xaaladiisu aad u kacsan tahay kaddib markii ciidamada ammaanka ay bilaabeen howlgallo albaabada loogu laabay xarumo warbaahin.

Mahadsanid Weriye Fadhi Xume, Dowladda uu ka taliyo Madaxweynaha Rajo Xume ayaa kordhisay cadaadiska iyo caga jugleynta ay ku heyso shacabka dalkeeda tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay isaga ka badbaadiyeen inqilaabka Milateri, taasi oo sababtay in kumanaan ruux shaqada dowladda laga ceyriyo isla markaana xabsiyada dalkaasi la dhigo malaayiin ruux.

Xukuumadda ayaa haatan qarka u saaran inay albaabada isugu dhufato Baarlamaanka dalkaasi kaddib markii xildhibaano taageersan mucaaradka dalkaasi xiriir dhow la yeesheen kuwaasi oo qaarkood xasaanadda laga qaaday laguna soo xiray xabsiyo gaar ah.

Dhinaca kale Dowladda ayaa albaabada isugu dhufatay xarumo wargeys, iyadoo qaar ka mid ah shaqaalihii ka howlgelayayna loo daad gureeyay xabsiyada, waxaana lagu eedeeyay inay iyaguna door lixaad leh ka qaateen hannaan lagu majo xaabinayo xukuumadda Madaxweyne Rajo Xume.
Mahadsanid Faadumo Internet, halkani waa Radio reer Hebel kala soco mowjadaha maqaadiirta Alle ku qulqula, dhageystayaal cidii wararka yaga uu seego hakala socdaan barta aan Facebook ku leenahay.

Haatanna Ogeysiis gaaban, waxaa la baafinayaa nin lagu magacaabo Gaabow Gabeyre, kaasi oo markii cid ugu war dambeysay sitay Shaati nooca ay beesha Soomajeeste u taqaano Futushaariyaha iyo Surwaal kalarkoodu yahay Buluug.

Cidii warkiisa heysa haku soo hagaajiso xaafadda Buurka, waxaana cidii war iyo wacaal ka keenta la siinayaa abaal marin ay ku faraxdo.

Waa hagaag saaxibada aynu jecelnahayow Barnaamijkeenii maanta oo la soo gaaray gabagabadiisa, ayaa waxaan iminkana idiin taabaneynaa digniin ku wajahan gawaarida caasiga loo yaqaano ee Muqdisho ka howlgala waxaan idiin soo jeedinaya anigoo ah Weriye Fadhi Xume.

Shacab weynaha beesha Soomajeeste ayaa waxaa ka sii dhammaanaya dulqaadkii ay u lahaayeen gawaarida caasiga loo yaqaano afka qalaadna lagu yiraahdo Mini Bus, kuwaasi oo darawalada iyo caawiyeyaashaba dadka ugu guraya sidii galley jawaan lagu shubayo oo kale.

“Shalay ayaan la kulmay dhacdo iga yaabisay anigoo xaafadeyda ku sii socda sida ay u galeen gabar meel luuq ah ay ku ciriirinayeen” ayuu yiri Axmed Faanto oo sheegay in gabadhaasi cabaar ka sheekeysanayeen sida ay gaariga u saareen.

“Darawalka waaba rabaa inay gabarta gadaashiisa fadhida ku dhacdo” ayuu yiri mar kale Axmed Faanto oo digniin u jeediyay labada nin ee mas’uulka ka ah, wuxuuna sheegay in haddii ay arrintaasi ka waantoobi waayaan ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo galaafata howshoosa.
Waxaa Diyaariyay:
Jabriil M. Nuur (Jabra)
jabka5555@hotmail.com

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=47442

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”