Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 2,400 views

Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta u ah gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland dagaallo culus ku dhex mareen bartamaha Gaalkacyo, iyagoona isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ku geeriyooday dadkii ugu badnaa oo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyada dagaalamaya.

Tirada dadka ku geeriyooday ayaa gaaraya 29-qof, iyadoo tiro ka badan tobaneeyo ruux oo dhaawacyo ka soo gareen dagaalladaasi la dhigay xarumaha caafimaadka magaalada Gaalkacyo, inkasta oo haatan yara uu hakaday dagaalka isla markaana ciidamada dagaalamaya ay weli is hor fadhiyaan.

Guddoomiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka wada taliya magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta u sheegay in dhinac kastaba dhinaca uu isagu dagaalka ku soo qaaday, iyagoona wada qiray in arrimaha ugu muhiimsan ee la wada doonayo ay tahay sidii labada maamul arrimahooda si hoose uga hadli lahaayeen.

Xasan Khaliif oo ah Guddoomiyaha magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug ayaa sheegay in dhinacooda ay mar walba diyaar u yihiin wadahadallo nabadeed oo laga gaaro xiisada ka aloosan magaaladaasi.

WARAR KALE: Arrimaha Gaalkacyo

“Anaga mar walba nabadda diyaar ayaan u nahay, hase yeeshee dhinaca kale ma doonayaan nabadda” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Khaliif oo tilmaamay in dhinacooda ay is difaacayaan haddii sida uu yiri lagu soo xadgudbo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland ayaa isna sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa nabadda magaalada Gaalkacyo, wuxuuna caddeeyay in muhiimadu ay tahay labada maamul inay arrimahooda si hoose u xalistaan.

Arrintu si kastaba ha ahaatee dagaaladaan ragaadiyay nabad ka dhacda magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo beegmeysa xilli dalka ay ka dhacayaan doorashooyin dadban oo lagu soo dhisayo dowlad cusub, iyadoo khilaafka dabada dheeraaday ay iminka faraha ka sii baxeyso isla markaana qeybaha bulshada sida Culumaa’udiinka, waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ay eeda dusha uga tuurayaan hoggaamiyeyaasha labada maamul.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=47502

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj