Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,345 views

MAJAAJILADII MADAXTOOYADA: “Aniga Jadiid ma ihi, wixii jadiid ah iyagaa isku jadiid ah, Madaxweynaha iyo xaaskiisa…” (Daawo)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo marwadiisa koowaad Qamar Cali Cumar ayaa xilli ay ka qeyb galeen sanadguuradii 4-aad oo ku beegan markii loo doortay xilkaasi waxaa fantasiyo aan inaba caadi ahayn ku soo bandhigay Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise (Sangub) iyo Majaajiliiste Oday Cabdulle.

Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen madaxda ugu sareysa xukuumadda wakhtigeeda dhameysatay sida Guddoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaano, Wasiiro iyo marti sharaf kale lagu maamuusayay waxqabadkeeda ku aadan horumarka iyo waxqabadka mudadii ay jirtay.

Labada Abwaan ayaa markii ay soo hor istaageen dadweynihii fadhiyay hoolka waxaa qosol isku celin waayay qaar ka mid ah dadweynihii goobta fadhiyay oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan iyo saaxibtiisa.

“Dhammaan waa salaaman tihiin…maya, maya idinkoo dhan ma aha horta Madaxweynaha” ayuu yiri Oday Cabdulle oo gadaashiisa uu taagnaa Abwaan Sangub, kaddibna halkaasi ku dhex martay sheeko ku saasan taageerada Madaxweynaha, isla markaana lagu dhaleeceynayay dadka mucaaradaya siyaasadiisa.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=47513

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj