Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,326 views

Madaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..”

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa War saxaafadeed ka soo saaray Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaraya Ciidamada Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Wax laga Xumaado tahay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ee Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca soo kala gaaray Labada Dhinac iyo Dadka rayidka ah intba.

“Si aad ah ayaan uga xumahay in Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka ay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland, waxaa wax laga Xumaado ah in lagu dul dagaalamo Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan”ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Labada Madaxweyne ee kala ah Gaas iyo Guuleed in ay Deg Deg u joojiyaan dagaalka lagana wada hadlo waxii dhacay.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=47532

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj