Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 727 views

AVV Maxamed Sheekh Gabyow oo Geeriyooday iyo Madaxda dalka oo geeridiisa Ka tacsiyeesay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Qareen Maxamed Sheekh Gabyow oo ku geeriyooday magaalada London ee dlaka UK.

Madaxweynaha ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Avv Gabyow. Madaxwey Xasan Sheikh Maxamud ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun Allaha u naxariistee Qareenki qoray dastuurkii ugu horeeyay ee Qaranka Soomaaliyeed. Marxuum Maxamed Sheekh Gabyow samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, Jannadii Firdowsana Allaha ka waraabiyo. AAMIIN.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Maxamed Sheekh Gabyow uu ahaa shaqsi karti, hufnaan iyo shaqo wanaag ku caan baxay oo talooyinka dhanka sharciga uu bixiyana si qabiirnimo ku dheehan ula talin jirey madaxdii dalka. Marxuumka Avv Gabyow waxuu ka mid ahaa xildhibaanada dalka ee 60kii ahaana shaqsi aad uga dhex muuqday siyaasada. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Avv Gabyow uu ahaa shaqsi dadku jecel yihiin, waddani ah, waxuuna ka mid ahaa Qareenadii dalkan u sameeyey dastuurkii ugu horeeyey ee Soomaaliya.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=47586

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj