Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 586 views

Haddii la diiday in sharciga islaamka la isku xukumo,maxaa diidaya in qabiil la isku xukumo..?

Qaybtii shanaad,waana qaybta ugu danbaysa

Waxaan filayaa aqrinta daraasadan kaddib in ay noo caddaanayso jawaabta saxda ah,kaasoo ah in dalka iyo dadkuba lagu dhaqo shareecada islaamka loona baahan yahay in mowqif adag la qaato,qabiilkana daaqadda laga tuuro,kuwa taageersana laga dabatuuro.

Khaalid bin Waliid oo ahaa geesigii islaamka ayaa maalin waxa uu qabtay shir ciidan ah oo aad u ballaarnaa,waxaana ka soo qaybgalay asxaabta nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama intooda ugu waaweynayd,waxaana fadhigaasi looga hadlayay sidii loo qaadi lahaa duullaan,markii lays dhaafsaday ra’yi iyo talooyin ayaa abu Dar ra’yi soo jeediyay,hayeeshe waxaa ra’yigiisa ka soo hor-baxay Bilaal bin Rabbaax oo ahaa mu’adinkii rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,abu Dar ayaa markaasi ka carooday in ra’yigiisa laga soo hor-baxay, markaasuu ku yiri Bilaal:xataa adiga ina madow yahow,macnaha ma adigaa ka soo horbaxaya ra’yigayga,adigoo ina madow ah,isagoo ceeb uga dhigay madoobaanta hooyadiis,eraygaasi ka soo yeeray abu Dar,waa eray aan habboonayn,waxayna ka soo hor-baxaysaa kelmadda laa ilaaha illallaahu,waana eray aan lagaga dhaqmayn mujtamac muslim ah oo uu barbaariyay nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama.

Bilaal caqiidadiisa,mabda’iisa iyo manhajkiisa wuxuu ku galayaa inshaa Allah jannoda, meeyay midabkii abi Dhaalib,meeyay midabkii abi Lahab,meeyay midabkii abi Jahal,Rabbi xaggiisa wax ay ugu anfacday ma jiro,abaalkooduna wuxuu noqday naarta,abu Dar wuxuu illoobay in Bilaal uu mujaahid yahay,in Bilaal uu yahay mu´adinka rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,wax ceeb ah ee uu la yimidna aanay jirin,markii ay arrintii dhacday oo abu Dar hadalkaas ku tuuray Bilaal ayaa shirkii lagu kala dareeray,waana lagu kala carooday, Bilaalna wuxuu durba u aaday nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama si uu u wargeliyo arrintii dhacday,nebigu markii uu arrintii maqlay aad buu u carooday,wejigiisuna wuu beddalmay,maxaa yeelay eraygaas lagu yiri Bilaal waxay ka soo horjeedaa dhanbaalka islaamka,waxayna ku baaqaysaa midab kala sooc.

Saxiixul Bukhaari lambarada kala ah:30 iyo 2545,waxaa ku xusan in Macruur bin Suweyd uu yiri:waxaan abu Dar kula kulmay meesha la yiraahdo Rabada oo Madiina u jirta saddex mayl,wuxuuna abu Dar xirnaa maro cusub adeegihiisuna wuxuu xirnaa maro cusub oo la mid ah,arrinkaasi ayaan weydiiyay,markaasuu abu Dar yiri:waxaan caayay nin,nebiga sallallaahu caleyhi wasallama ayaa markaasi igu yiri:ma waxaad ceeb uga dhigtay madoobaanta hooyadiis,waxaa kugu jira oo kugu sugan abu Darow wax jaahilnimo ah,macnaha wixii la isticmaalayay xilligii jahliga lagu jiray baad isticmaashay oo aad la timid.

Addoonka Allah wuu gefaa,markuu gefana waxaa u furan in uu Allah denbi dhaaf weydiisto, waxaana la ogsoon yahay in bani´aadan kasta uu gefayo,xataa haddii uu ka mid yahay asxaabta Allaha ka raalli noqdee,sunnooyinka Tirmidi iyo ibnu Maaja waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Anas bin Maalik Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:bani´aadan kasta wuu gefaa,kuwa gefana waxaa ugu khayr badan kuwa ka towbad keena,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan ku taxsiiniyay saxiixul jaamic lambar 4515,ibnu Xajarna wuxuu Buluugh Al-Maraam lambar 439 ku sheegay in sannadka xadiiska uu xoog leeyahay,macnaha uu adag yahay.

Keena noogu sharaf badan oo noogu akhyaarsan waa kan Allah noogu dhow,ee ma’ahan kan noogu akhyaarsan in uu yahay hebel ina hebel,abu Jahal wuxuu oran jiray:anigu waxaan ahay reer banii Makhzuum,anigu waxaan ahayd sayidkii Qureysh,laakiinse markuu ku kufriyay laa ilaaha illallaahu,Allah wuxuu gelinayaa naarta,wax ay tareen reer banii Makhzuumna ma jirin,haseyeeshe Bilaal markuu rumeeyay laa ilaaha illallaahu wuxuu noqday saydika sayidyada,saxiixul Bukhaari lambar 3754 waxaa ku xusan in Jaabir bin Cabdullaahi uu yiri: Cumar wuxuu yiri:Abuubakar waa sayidkeena,wuxuuna xorreeyay sayidkeena isagoo ulajeeday Bilaal.

Sunnooyinka Nisaa’i iyo Shucubal iimaan oo uu iska leeyahay Bayhaqi,waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Ubbay bin Kacb in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:xilligii nebi Muuse waxaa isku nasab sheegtay labo qofood,mid baa wuxuu yiri:aniga waxaan ahay: hebel ina hebel ilaa uu sagaal ka gaarsiiyo,adigu yaad tahay,hooyo miyaadan lahayn, markaasuu yiri:anigu waxaan ahay hebel ina hebel ina islaam,Allah ayaa markaasi nebi Muusa u soo waxyooday,wuxuuna ku yiri:waxaad ku dhahdaa labadan isku nasab sheegtay, adiga kan sagaalka abtirsaday,adiguna ku toban ah waxaad galeysaan naarta,adiguna kan labada abtirsaday,adiguna ku saddex ah waxaad galaysaan jannada,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan ku saxiixay saxiixul jaamic lambar 1492,erayga ah hooyo miyaadan lahayn,waxaa loola jeedaa:adigu xaggeyga waxaad ka mudan tahay in loogu duceeyo hooyo la’aan.

Qofka qabiilistaha ah waxaa la soo xafidsiiyay abtirsasho ilaa boqol gaarayo,xataa waxaaba dhici karta marka uu toban dhaafo in uu magaciisa soo geliyo magacyo yaab leh oo aan Carabna ahayn Afrikaana ahayn,qaarkoodna waxaaba laga yaabaa sida ay u socdaan in ay carab isdhexgeliyaan qaar kalena in ay Afrikaan isdhexgeliyaan,qofka noocaas oo kale ahna oo arrimahaas ku mashquulsan,waxaa dhici karta in uusan kor ka haynin toban magac oo ka mid ah sagaal iyo sagaashanka magac oo Allah iska leeyahay,qofkii xafidana oo macnihiisu fahma wuxuu galayaa jannada,saxiixul Bukhaari lambar 2736 iyo saxiixu Muslim lambar 2677 waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abi Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:Allah wuxuu iska leeyahay 99 magac,qofkii xafida,macnihiisana fahma wuxuu gelaya jannada,qofka qabiilistaha ahina lagama yaabo in uu isku mashquuliyo khayrkan,balse wuxuu isku mashquuliyaa reer hebel iyo reer hebel,waxaa kaloo  dhici karta in qofkaasi qabiilistaha ahi uusan si sax u tukan karin una soomi karin,xalaasha iyo xaaraantuna aanu u kala soocnayn,laakiinse uu xariif ku yahay in uu maantoo dhan kaaga sheekeeyo reer hebel iyo reer hebel.

Qofka qabiiliistaha ah wuxuu ku dhaaranayaa wixii uu doono,wuxuu ku dhaaranayaa Qubuuraha iyo Qoodhiisa iyo Xeradiisa iyo Xilahiisa,sunnooyinka abu Daawuud iyo Nisaa’i waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:haku dhaaranina aabbayaalkiin iyo hooyooyinkiin iyo wax Allah lala shariik yeelay,Allah keliya ku dhaarta,hana dhaaranina idinkoo run sheegayo mooye,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan ku saxiixay saxiixul jaamic lambar 7249,sunnooyinka Tirmidina waxaa ku xusan in Cabdullahi bin Cumar uu yiri: rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii Allah ka soke ku dhaarto,Allah ayuu la wadaajiyay,macnaha mushrikiinta ayuu ka mid noqday,sheekh Albaani wuxuu ku saxiixay saxiixul jaamic lambar 6204

Waxaa nasiib xumo ah in dad badan oo naga mid ah,ay hoos fadhiistaan waxa ay ugu magacdaray:

Ugaas,Garaad,Imaam,Wabar,Islaan,Boqor,Beeldaaje,Suldaan,Malaaq iyo wax la mid ah,waxaana malaaqyadaasi laga soo qaataa cilmiga iyo shareecada islaamka meeshii la rabay in cilmiga iyo diinta laga soo qaato ahlu cilmiga iyo ahlu xalli wal caqdi,marmar waxaad is weydiinaysaa sidee baad nafsaddaada ugu qurxisay in aad la fadhiisato nin madaxiisa lagu shubayo caano oo ay ka baahan yihiin malaayiin ruux oo ka gaajaysan,sidee buu damiirkaagu kuu fasaxayaa in aad la fadhiisato nin ay hortiisa ku cayaarayaan oo ay ku niikinayaan naago qaawan niman aan xishoonaynina dhexda haysta,sidee buu caqligeena u oggolaaday in kuwaasi ay noo taliyaan oo ay noo noqdaan hoggaamiyeyaal.

Kuwii ku danaystay caammada iyo jaahiliinta kana soo kaxeeyeen baadiyaha una soo guuriyeen baladkii si ay ugu danaystan,maanta xaggee bay ku sugan yihiin,waxay noqdeen kuwo dhintay,kuwo la dilay,kuwo welwel ku nool,kuwo loo qabqabsado sidii tuugo oo kale iyo kuwo xoolihii dalka iyo dadka dhacay dibeddana daaro ka dhistay,dadkii daraaddooda u dagaal galayna waxay uga yimaadeen Soomaaliya oo ay ku ciishoonayaan,nin aragti lahaa oo hooyadiisoo arradanna ay guriga u joogto baa lagu yiri:xoolo u keen nin la boqraayay,markaasuu yiri:lacagtan maqdarad geynayo oo magac ku doonayo Alle magane maan hooyaday maro u soo siisto.

Kuwa lacagta ku soo ururiya magaca qabiil oo qaaraan qabiil ugu magacdaray ama bayaanka ku soo saara beel beel waxay ulajeeddadoodu tahay in ay Soomaalida kala saarsaaraan,in ay dadka dhexdooda tafaraaruq dhigaan,in ay dadka ku abuuraan Soomaali nacayb,in ay dadka si dadban ugu baaqaan Soomaalinimo ma jirto,diina ma jirto,waxaase jira reer reer iyo qolo qolo iyo beel beel iyo jufo jufo,sidaas daraadeed waxaanu leenahay dadka weli ku harsan Soomaalinimada iyo islaamnimada in ay ka hortagaan aragtidaas baadhilka ah, waana in aan kuwaasi qabiilistayaasha ahi loo oggolaan in ay ka soo qaybgalaan shirarka lagu hayo midnimada Soomaaliya iyo ku dhaqanka shareecada islaamka.

Dhammaad

Waa inoo markale iyo mowduuc kale hadduu Allah idmo

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Den Haag/Holland

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=47636

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj