Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 445 views

Guddomiyaha ururka SDP oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Qareen Maxamed Sh. Gabyow

Guddomiyaha ururka  SDP Mustaf Cabdulle Maxamuud  ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Qareen Maxamed Sheekh Gabyow oo ku geeriyooday magaalada London ee dlaka UK.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Talyaaniga ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Avv Gabyow. guddomiyaha ururka sdp Mustaf Cabdulle Maxamuud ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun Allaha u naxariistee Qareenki qoray dastuurkii ugu horeeyay ee Qaranka Soomaaliyeed. Marxuum Maxamed Sheekh Gabyow samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, Jannadii Firdowsana Allaha ka waraabiyo. AAMIIN.”

Ugu dambeyntii, Guddomiyaha  ayaa sheegay in Marxuum Maxamed Sheekh Gabyow uu ahaa shaqsi karti, hufnaan iyo shaqo wanaag ku caan baxay oo talooyinka dhanka sharciga uu bixiyana si Khabiirnimo ku dheehan ula talin jirey madaxdii dalka. Marxuumka Avv Gabyow waxuu ka mid ahaa xildhibaanada dalka ee 60-kii ahaana shaqsi aad uga dhex muuqday siyaasada. guddomiyaha  ayaa sidoo kale sheegay in Avv Gabyow uu ahaa shaqsi dadku jecel yihiin, waddani ah, waxuuna ka mid ahaa Qareenadii dalkan u sameeyey dastuurkii ugu horeeyey ee Soomaaliya.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=47699

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj