Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 438 views

Ciidanka Taraafikada oo aan habeenkii ka howlin waddooyinka Muqdisho ee mashquulka badan (La soco sababaha)

Magaalada Muqdisho waxaa sii kordhaya ciriiriga waddooyinka waa weyn iyo kuwa xaafadaha dhex mara taasi oo keentay sababo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay kororka dadka isticmaala gawaarida yaryar.

Ciriiriga ka jira waddooyinka Muqdisho ayaa cirka isku shareeray kaddib markii magaalada lagu soo fatahay mootooyinka Bajaj-ka loo yaqaano ee saddexda lugood leh, kuwaasi oo lagu qiyaasay tiradooda in ka badan 5000-mooto.

Cali Maxamuud Cali Taliyaha Taraafikada ayaa saxaafadda gudaha u sheegay inay iyagu yihiin ciidamo aan hubeysneyn isla markaana xilliyada habeenkii aanay shaqeyn karin.

Ciidamada Taraafikada oo shaqeeya maalintii ayaa ka howlgala waddooyinka mashquulka badan, iyadoo isu socodka gaadiidka kala duwan ay hoos u dhigeyso ciriiriga iyo sixmadda taasi oo xilliyada habeenka la dareemayo howlgalada ciidamada Taraafikada.

“Ciidamada Taraafikada ma hubeysna, sidaas darteed waxay shaqeeyaan maalintii oo kaliya, markay habeen noqoto way soo xaroodaan” ayuu yiri Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka.

Hadalka Taliyaha Taraafikada ayaa ku soo beegmaya xilli waddooyinka waaweyn ee Muqdisho ay isku ciriirinayaan gaadiidka xamuulka, kan BL-ka iyo yaryar, tiiyoo magaalada ay ku soo badanayaan gaadiidka raaxada noocyadiisa kala duwan.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=47880

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj