Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 580 views

TAARIIKHDII DOORASHOOYINKA SOOMAALIYA.

Waa Maxay Doorasho?

Doorasho waa nidaam toos ah oo go’aan gaariseed kaasi oo dadweynaha ay ku dooranayaan shaqsi in uu qabto xafiis dadweyne. Doorashadu waxay ahayd hab wakiilnimo oo Dimoqraadiyada casriga ah uu soo shaqaynayay ilaa qarnigii 17aad. Dooashadu waxay buuxinyasaa xafiisyada sharci samaynta mararka qaarkoodna Golaha fulinta, Garsoorka, maramarka qaarna Gobolka iyo Dowladaha Hoose. Nidaamkani waxaa xitaa loo isticmaalaa ururada gacsiga ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa Caalami ah, dhinaca kale doorashu waa aalad lagu xusho wakiilada casriga ah ee maanta, waxaaana Inta badan loo isticmaalaa xafiisyada siyaasadeed. Dib u qaabaynta doorasho waxaa lagu qeexaa horudhaca nidaam hufan halkaasi oo aysan ka jirin mise aan la horumarin hufnaanta iyo jiritaanka nidam. waxaa jira wax loo yaqaan Psephology oo ah barashada natiijada, oo ah in si hoose loola socdo saadaalinta natiijada mustaqbalka.

Doorashooyinka waxaa la isticmaalay taariikhda Gariigii hore iyo Roomaankii waxaana xilliyadii dhexe oo la xulan jirey xukumayaasha sida Boqorka Roomaanka iyo Boobka. Carabtii hore waa isticmaali jireen Khaliifadooda sida Cismaan Binu Cafaan iyo Cali Bin Abii Daalib ee xilligi hore Kulafaa U Raashadiin. Sida carsiga ah doorasho waxay ka koobnaataa doorashooyinka dadweyne ee xafiisyada dowlada, mana bilaaban ilaa bilowgii Qarngii 17aad. Waxaana markaasi fikrada wakiilada dowlada laga qabtay Waqootiga Maraykanka iyo Yurub .

Taariikhdii Doorashooyinka Soomaaliya.

Doorashooyinkii Baarlamanka Soomaaliya ayaa la qabtay 30-kii Maarso 1964-tii waxaana kuraasta Aqlabiyadda helay Xisbigii SYL ee Leegada waxa uuna helay 69 kursi, 123-ka kursi ee Baarlaanku ka koobnaa. Waxaana taas ka horaysey Doorashooyinkii 1960-kii oo ahayd markii ugu horaysey ee ay midoobeen labadii Gobol ee Waqooyi iyo koofur oo ay kala gumaysanayeen Ingiriiska iyo Talyaaniga. waxaana kuraasta intooda badan helay reer koofureedkii oo helay 90 kursi halka Reer Waqooyiguna heleen 33 Kursi. taasoo kuraasta Baarlamaaka Soomaaliya ka dhigtay 123 Kursi. Waxaana markaas Madaxwayne loo doortay markii ugu Horaysey taariikhda Soomaalida Madaxwayne Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) oo hore si ku-meel-gaar ah Xilka Madaxwaynaha soomaaliya u hayey mudo hal sano ah, waxaana markaasi la doortay mudo Lix sano ah. Waxa uuna Mudane Aadan Cadde ka adkaaday musharixii la tartamayey ee Shiikh Cali Jimcaale Baraale. Soomaaliya waxay doorasho kale ka dhacday 1967-dii, waxaana sidii kuwii hore la mid ah Aqlabiyadda helay Xisbigii Leegada ee SYL, waxaana Doorashadaas looga adkaaday Madaxwaynihii Soomaaliya ugu horeeyey ee Aadan Cabdulle Cusmaan, waxaana ka adkaaday Madaxwayne Cabdirashiid Cali Sharmaake oo la diley 15-kii Octoobar 1969-kii.

KACAANKII OCTOBAR

21-kii Octobar Shan Beri ka dib dilkii Madaxwayne Cabdirashiid Cali Sharmaake waxaa xukunkii dalka la wareegey koox Milatari ah oo uu hogaaminayey Jaale Maxamed Siyaad Barre, waxay kooxdaasi laaleen Dastuurkii iyo Asxabtii dalka waxayna doorashooyin HAA iyo MAYA ah qabteen laba jeer, markii ugu horaysey 1979-kii, markii labaadna 1987-dii. Labada jeerna waxaa si Aqlabiyad ah lagu doortay Jaale Maxamed Siyaad Barre. Dowladdii Milatariga waxay meesha ka baxday 1991-kii, wax yar ka dib markii meesha laga saaray Xukuumaddii Jaale Siyaad kooxo Jabhado ah ayaa isugu tegey Jabuuti waxayna Madaxwayne KMG ah u doorteen Cali Mahdi Maxamed oo mar labaad isla jabuuti lagu doortay Octobar1991-kii. 1995-tiina waxaa Magaalada Muqdisho Jabhado taageersani Madaxwayne ugu doorteen Jeneraal Maxamed faarax Caydiid. Laakiin Dowladii ugu horaysey wixii ka dambeeyey Jaale Siyaad oo Caalamka qaarkii aqoonsan yahay wxaa lagu doortay tuuladda carte ee dalka jabuuti snadkii 2000, waxaa ka qayb galay ka badan 3000 oo Soomaali ah oo isugu jira qaynbaha kala duwan ee Bulshada, waxaana halkaas ka soo baxay Dastuur, Baarlamaan ka kooban 245 Xildhibaan oo lagu qaybsaday wax loogu yeero 4.5. iyo Madaxwayne, waxaana Carte oo Jabuuti ah lagu Doortay Madaxwayne Cabdulqaasim Salaad Xasan.

4-Afar sano ka dib waxaa shir mudo labo sano ah kooxaha soomaalida uga socday Kenya lagu doortay xubno baarlaman oo ka kooban 275 oo ku yimid sidii tii CARTE 4.5, waxaan doorashdas ku soo baxay Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed, ka dibna dagaal lala galay Dowladii Cabdulaahi Yuusuf waxaa la isugu tegey Jabuuti, waxaa halkaas heshiis la dhex dhigay Xubnihii ka haray Dowladii Cabdulaahi Yuusuf iyo Maxkamadihii Islaamka, waxaana halkaasi ka soo baxay Baarlamaan 550 Xubnood ka kooban, 2009-kii Madaxwayne waxaa loo doortay Shariif Sheikh Axmed. 2012-kii Doorashadii baarlamaaka iyo tii Madaxwaynaha waxaa lagu qabtay Magalada Muqdisho waxaana ku soo baxay Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamuud, waxaa lagu madlanaa in Soomaaliya 2016 ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, laakiin ma dhicin taas bedelkeeda waxaa ka dhacaya waxa loogu yeeray Doorasho dadban.

DOORASHADA QORSHAYSAN EE 2016-KA:

-Madasha Qaranka Soomaliyeed oo ka kooban seddexda awoodood ee Dowladda sida Madaxweyneaha, Ra’iisul Wasaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay wehliyaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa soo saaray hirgalinta Doorashada Dadban ee la sameeyey 21-kii Sebtember 2016. Sida ku qoran Dasruurka fedraalka Soomaaliya waxaa uu dhigayaa inay dhammaato xilka ay talada hayaan Barlamaanka iyo Madaxweynaha dhamaadka 2016-ka iyadoo hanaanka doorasho ee caalamka ka jira waxaa laysku raacay Baarlamaan tiradiisa tahay 275 Xildhibaan iyo Aqalka sare oo 54 Senator ah, waxaa loo qorshaynayaa tiro kala duwan oo Qabiil oo ku salaysan 4.5 iyadoo seddexdii kursi ay ku tar tamayaan sedex qof oo haweeney ku jirto. Waxaa la qorsheeyay Doorashada Xubnaha Aqalka srae ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 10 Oktoober 2016, waxaana xubanha Aqalka Hoose Baarlamaanka la qorsheeyey 23 Oktoober 2016, Waxaa Madaxweynaha la dooran doonaa 30 Nofember 2016 iyadoo ay u codeyn doonaan labada Aqal ee Soomaaliya yeelan doonto.

Waxaa jirta doorashadan oo loogu yeero midda Dadban in qof qaliba inuusan codeyn doonan, waxaana la qorsheeyey in Xubin walba oo ka mid ah Xubnaha baarlamaanka ay dooran doonaan 51 Qof oo ERGO loo bixiyey. – Waxaaana soo xulaya 135 Odayaasha Dhaqanka oo la tashanaya Nabadoonada Jufooyinka, kuwaasi oo gaaraya 14,025 ERGO. Ergada codaynaysa waxaa laga doonayaa inay ka mid noqdaan 16 Haween iyo 10 Dhallinyaro. Qof waliba oo muwaadin Soomaali oo da’doodu tahay 25 sano oo haysta Derejada D/Sare ayaa isu soo taagi kaRa xubinnimada Barlamaanka Aqalka Hoose ee Federaalka waxaana laga doonayaa $5000 Xubintii Haween ahna waxaa laga doonayaa $2500.

Waxaa loo asteeyey Doorashooyinka Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Cadaado, Garoowe, Jowhar iyo Baydhabo. Waxaa maamuli doona Doorashada Gudiga Federaalka ee Doorashada Dadban (FIEIT) oo ka kooban 22 xubnood oo ah xirfadlayaal, waxaana wehliyaan gudiyo heer Gobol oo 11 Xubnood ah.

WAXAY MUDAN TAHAY IN LA SOO DHOWEEYO.

Waxaa la rajaynayaa in Gudiga Qaranka ee Doorashada uu qabto Doorasho 2020 kaasi oo la aasaasay Bishi July 2015. Hal qof iyo cod ayaa la rajaynayaa inay noqoto doorashadaasi 2020-ka. Marka loo eego Doorashadan tii ka horaysey waxay kaga duwan tahay waxyaabo badan oo yididiile leh, sababtoo ah Xulitankii Odayaasha dhaqanka waxaa lagu bedeley doorasho dadban oo Xildhibaankiiba waxaa dooranaya 51 xubnood oo Beeshiisa ah taasoo mudan in la soo dhoweeyo.loogana gudbo aakhirkii hal qof iyo hal cod. Gebagebdii in kastoo cabasho ka soo yeertay sidii ay u dhacday doorashadii ilaa hada dhacday, waa su’aal taagan Waxa laga filayo doorashada Afhyeenka Barlamanka iyo tan Madaxwaynaha.

Cabdinaasir Xersi Iidle.

Email:naasirx1@gmail.com

00252615503978

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=47955

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj