Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 314 views

Shirkada Dawooyinka ee Q-unit Medical Group oo Magaalada Hargeysa Keentay Dawooyinka Dhiig Joojinta

Shirkada Dawooyinka iyo qalabka caafimaadka ee  Q-unit Medical Group ayaa markii ugu horaysay Keentay Magaalada Hargeysa Dawooyinka Dhiig Joojinta oo aan hore dalka loo keenin, laguna isticmaalin dalka gudahiisa hadda ka hor.

 img_2415

Dr. Mustafe Cumar Yuusuf oo Isagu ah Maamulaha shirkada Q-unit medical group oo Sharaxaad ka bixinaya waxtarka Dawadan iyo faaiidada ay u leedahay Bulshada waxa uu yidhi”

”’ dawaadani oo magaceeda la idhaah (hemostatic powder ) waa dawo aad ugu muhiim ah in loo isticmaalo xaaladaha caafimaad sida , QALIIMADA GUUD ,DHIIG-BAXA ,QALIINKA FUDUD, iwm , sidoo kale dawadani waxa ay aad muhiim u tahay isticmaalka xaaladaha degdeg ah tusaale ahaan qof shil galay ama aad u dhiig baxaya iyo qaliimada culus sida qaliinka hooyooyinka uurka leh (C-section ) . waxay dawadani leedahay falgal degdeg ah oo suurto galinaya in dhiigu ku joogsado wax ka yar 2 mirir iyo in boogtii nabarka ee qaliinka lagu sameeyay ay noqoto meel muuqaalkeedu saafi yahay oo aanay ka muuqan wax dhiiga oo dibada u soo baxaya .img_2414

Dr-Mustafe Oo isagu ah dictoor wax ka soo bartay wadanka dibadaasa aqoona u leh daawodan nooceeda isago sii wada sharaxadii iyo adeegsiga iyo waliba faai’dooyinka ay leedahay dawadani ayaa wuxu intaas ku sii daray ” dawadani run ahaantii aad baa ay u fara badan tahay faai’dooyinkoodu waxana mar walba muhiim ah in loo isticmaalo nooc kasta oo qaliin ah si ay looga hor tago dhiig baxa , faai’dooyinka dawadani haddi aan sii wado waxa ka mid in ay yareeyso isticmaalkii badana ee transfusionka muddo yarna uu ku bogsado nabarkii ama nabarkii qaliinka lagu sameeyay  (wound healing time ) iyo in gabi ahaanba uu qofkii bukaan ahaa muddo yar gudaheed uu ka soo reeyo nabarkii .

img_1467

”’Run ahaantii faai’dooyinka ku jirra ama leedahay dawadani budada ah (powder) waa ay fara badan yihiin markaas waxaan kula talin lahaa dhamaan goobaha caafimaadka iyo bahda caafimaadka ee dalka gudahiisa in ay u isticmaalan dawadani bukaanada si ay u yaraato hawsha ama hoos loogu dhigo khatarta ka dhalan karta qaliimada iyo xaaladaha degdega ”

Dawooyinkan oo ahaa kuwo ay aad bulshadu ugu baahnayd isla markaana dadku inta badan aad ugu dhiman jireen marka ay waayaan dawooyinka dhiig joojinta, waxa ay shirkadani oo hore balan ugu qaaday dhamaan bulshada reer somaliland gaar ahaan bahda caafimaadka in ay dalka keeni doonto daawooyin iyo qalab caafimaad oo tayodoodu aad u sarayso hase ahaate aan horena u yaalin dalka gudahiisa

Haddaba wixii faahfaahin intaas dheer fadlan kala xidhiidh ciwaanada iyo tilifonada hoos ku qoran ..

  • Email:Q.unitm@gmail.com
  • Contacts:+252633226127/0634142009.
  • Contact Person:Dr-Mustafe O.Yousuf.

 

Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa
mustaqbal7@gmail.com

 

 

 

 

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48059

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”