Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 352 views

Real Madrid oo ka badisay Atletico Madrid iyo Ronaldo oo wacdaro dhigay+Sawiro

Real Madrid ayaa guul wayn ku gaartay Garoonka Vincente Calderon ku gaartay, kadib markii ka dakaatay Kooxda Ateltico Madrid, iyadoo Los Blancos guushan ka caawiyay Cristiano Ronaldo oo saddexley ka dhaliyayd kooxda Diego Simeone ee Atletico Madrid.

Real Madrid ayaa hogaanka La Ligaha afar dhibcood ku qabtay kadib markii ay Barcelona barbaro gool la’aan ah la gashay kooxda Malaga.

Ronaldo ayaa saddexleydii labaad ka dhaliyay kooxda Ateltico Madrid waxayna sidoo kale saddexleydani ahayd saddexleydiisii 39 aad ee waayihiisa Real  Madrid u dhaliyo,kadib markii uu Ronaldo muddo dheer gool dhalinta kaga soomanaa Calderon isla markaana uu shantii kulan ee ugu danbeeyay garoonka ka baxayay isaga oo aan wax gool ah dhalin ayuu markale galka seefta ka saaray.

Real Madrid ayaa qaybtii hore ee kulankan soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo Zidane intii ay ciyaartu socotay shaxdiisa u badalay mid aan hore looga baran. Kadib markii ay Real Madrid bilawgii ciyaarta cadaadis badan ka dareentay Atletico Madrid ayuu Zidane shaxdiisii ahayd 4-3-3 u badalay 4-4-1-1 taa soo keentay in Atletico Madrid ay xal u waydo qaabka cusub ee ay Madrid la soo baxday.

Shan gool oo ka mid ah lixda gool ee uu Ronaldo xili ciyaareedkan dhaliyay ayuu dhaliyay kulamadii ay kooxdiisu martida ahayd halka shan kulan oo xidhiidh ah aanu Santiago Bernabeu wax gool ah ku dhalin. Goolkan ayaa Real Madrid ka caawiyay in ay ciyaarta si buuxda u maamusho isla markaana ay cadaaadiskii Atletico Madrid ku joojisay.

Ugu danbayntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:0 oo ay Real Madrid ku soo adkaatay Ateltico Madrid isla markaana ay hogaanka La Ligaha ku dheeraysatay. Real Madrid ayaa 12 kulan ka heshay 30 dhibcood waxaana ku soo xigta Barcelona oo 26 dhibcood leh isla markaana kulankii Malaga barbaro ku gashay Camp Nou.

3a8f93d300000578-0-image-a-5_1479588420314 3a8fb8af00000578-0-image-a-25_1479589282506 3a8fd28500000578-0-image-a-37_1479590441800 3a8fefb000000578-0-image-m-13_1479591591007

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48127

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”