Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 617 views

Sidee Soomaaliya mar kale u noqon kartaa Qaran Mid Ah? + Video

Mid ka mid ah Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in midnimada Soomaaliya aanay weli helin hoggaan wadani ah isla markaana xilligaan ka soo dhalaali kara howlahaasi.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilligeedu dhammaaday Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isagoo u waramayay Telefishanka Kalsan waxa uu ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka, gaar ahaan shirarka caalamiga ah ee ka dhacaya dalka dibadiisa isla markaana lagu raadinayo sidii Soomaalida ay mar kale u midoobi lahayd.

“Golaha Wasiirada ma oga, Baarlamaanka ma oga, shirarkaas waxaa og oo kaliya shaqsiyaad Madaxtooyada ka socda” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo sheegay in dowladiisu ay ka go’an tahay sidii ay Soomaaliya horay u sii soconeyso isla markaana aanay noqon berked lagu dabaal barto.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48234

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj