Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 346 views

AMISOM oo dejisay qorshe ka dhan ah Al-Shabaabka ku sugan gobolada Soomaaliya (Dhageyso)

Shir qaatay mudo Saddex maalin ah, kaas oo looga hadlayay amniga iyo waliba la dagaalanka Shabaab ee ku sugan Gobolada qaar ee Dalka ayaa dhexmaray saraakiisha Ciidanka Militariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii Shabaab looga saari lahaa Degaano iyo Degmooyin qaar oo ay ka joogaan Gobolada Dalka.

Saraakiisha ayaa soo bandhigay aragti la xiriirta in guluf colaadeed lagu qaado goobaha ay ku sugan yihiin Dagaalyahanada hubeysan ee Shabaab.

General Cusmaan Nuur Subagle Taliyaha Ciidanka AMISOM ayaa sheegay saraakiisha in ay isku afgarteen in Shabaab lagu qaado weeraro aan kala joogsi laheyn.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48319

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj