Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 517 views

RA’YI: Beelaha Puntland oo ku cibraqaadanaya sabarka Ibraahimada la mahadiyay

Waa beesha cali ibraahim(Reer Biciid yahan) oo kamid ah beelaha soomaalida dhexdeeda ku leh sharafta iyo qadarinta.Beeshu waxay dagtaa si rasmi ah 5 deegaan oo kala ah

1. Gobolka bari dagmooyinka baargaal iyo qardho oo ay wax ka dagaan dhulkaa leh quruxda iyo uduga ee kulan saday labada badood waxaa Dagan Jifada ISMAACIIL YOONIS ee cali ibraahiim.

2.Mudug oo ay kadagaan gaalkacayo iyo deegaanka caragaaran oo aan wali dagmo loo aqoon sanin.

3. deegaanka wadajir ee jubada hoose iyo magalada kismanyo oo ay wax kadagaan ama kamid yihiinba beelaha somaaliyeed halkaa daga.

4.Dagmada waa-jid ee gobolka bakool katirsan oo ay aas aaseen kadibna lala soo dagay 1935 waxaana la oran jiray buraashad leey

5.deegaanka eithiopia hada haysato ee soomaali galbeed oo ay Dagan yihiin si gaarana ay u Dagan yihin reseve area ama aaga kaydka dhulki la oran jiray ee 1958 eithiopia ingiriisku ku wareejiyay.

Beeshu waxay dariskeeda ula dhaqantaa si ku qotanta dhaqanka soomaaliyeed ee wanaagsan ee ku salaysan is xurmaynta beelaha dariska ah ee ood wadaaga ah.waxay dhanka galbeedka ood wadaag yihiin beelaha absame gaar ahaan ogaadeen iyo beelaha isaaqa gaar ahaan habaryoonis oo ay ka dhaxayso nabad kuwada nolaasho xarago guur sharaf iyo wada jir u dhaxeeya beelahaas iyo cali ibraahiim.waxaa kaloo ladaga beesha oo ood wadaag la ah beesha tolkood ah ee dhulbahante iyo mareexaan intaba waxaa kala dhexeeya iska raamayn.

Dhanka Mudug waxa la Dagan qaybo kamid ah beelaha hawiye gaar ahaan habargidir,abgaal,muruursade. sidoo kale dir iyo sheekhaal, ortable, iyo leelkase intaas oo dhan waxaa kala dhexeeya daris wanaag iyo walaalnimo.meel kastoo daarood ladago waxay lagu yaqaan reerkan war cad waa go aanka waran cad iyo qalbi furan alle kacabsi iyo dad wadid buuxda.

Beeshu waxay khibrad buuxda u leedahay dhaqanka beelaha soomaaliyeed guud ahaan iyo beel walba gaar ahaan waxaana keenaya deegaanka ay dagaan oo ah jihawalba oo soomaaliya bari galbeed waqooyi iyo koonfurba ay dagaan.arintaa kor ku xusan mawada laha beelaha soomaaliyeed ayadoo loo eegayo dagaanka.Beeshu waxay qayb libaax ka qaadatay halgankii aan Soomaali ukala harin ee gobonimo doon.Waxayna aad uuga xuntahay halka manta soomaaliya ay taalo oo ah halis qaran, waxay beeshu ku calool fayoowdahay illaahayna kabaryaysaa in umdii soomaaliyeed quluubtooda isu soodumo oo ay wadajir u soo ceshadaan dawladnimadoodii iyo karaamadii qaran.

Beeshu waxay door muuqda ka soo qaadatay dhismihii maamul goboleedka puntland.waxayna had iyo jeer ka shaqaysaa midnimada iyo xasiloonida deegaanada puntland. dhaqaale,aqoon,iyo xoog intaba beeshu waa u hurtay putland. Beesha qoondadeeda kuraasta siyaasada waxay ahayd 4 kurisi oo ay u kala qaadanayan 3mudug ah iyo hal bari ah taasoo xeerka beeshu u qoon deeyay aqalka sare in la siiyo cali ibraahimka daga bari xubin iyo xubin mudug ah oo halkaa 2 xubnood oo aqlka sare ah reerku gudoomo. labada kalana ay aqalka hoose ku yeeshaan waa sida ay mudan yihiin xaqana u leeyihiin,maadaama kursaasta guudba ay kooban yihiin. wxaa taa badalkeedii lasameeyay in la duud siyay kuraastii dhan,mardanbana hal xubin lasoo dhex dhigay cali ibraahim oo dhan!! waa aragnaa bay yiraahdeen beeshu isbaarada siyaasadeed ee u gaar ka ah cali ibraahim iyo cida ka danbaysaba.

Kolhaday halkaa taagantahay,qaybintii ragii majaraha u hayay ay kasmadoodii iyo sida wax lookala mudan yahay cid walba la baal mareen xaqoodii go aanku waxaa weeye bay qabaan beeshu yeeli mayno say doonayaan waa samraynaa,waxaana rajaynaynaa in ay fahmaan ninka naftiisa xakameeya ee is celiyaa in uu yahay Geesi iyo akhyaar.inkastoo iyagu uyaqaaniin kan wax dila, wax booba,dadka xasuuqa,ku qabso ku qadimaysid ee aankala aqoon maxaa xaraan ah maxaa xalaal ah ay u yaqaaniin kaas geesi iyo diric. kaasi geesi maha waa fulay aan qiimayn Karin waxa nololitahay, waxa diin tahay, wax dad yahay, waxa dalyahay midna.

Beeshu waxay macnaysay waxa ay ula jeedaan samirka? waxay sheegeen in ay yihiin beel leh cudud ciidan oo xoogan suura galna ay noqon kartaba inay kala cayriyaan maamulka fadhigiisu yahay garoowe gabi ahaantiisba ama ay qabtaan mudo gaaban gudaheed.waa awoodaa beeshu qori caaradi in xubnaheeda miiska lagu saaro.hada iyadoo sidaa u heli karta tabashadeeda ayay ka door bidaysaa inay Samir qaadato.Laakiin samirku maha nin aad waxba ka qaadi wayday oo dantu kuu runsheegtay inaad tiraahdo waa samray taasi Samir maha waad qasban tahay. hadaba samirku waa midka aad kari kartid inaad samayso ee aad ka gaabsato xeerin xag alle iyo wanaag labada daaroodba.

Beeshu waxay ilgaara ku haysaa bay yiraahdeen hor istaaga lagu sameeyay gabood falka kuraastii aqalka sare iyo kan hoose ee walaalahayo maxuud ibraahiim( reer maxamuud) iyo cabdiraxiim ibraahiim.waxaan u rajaynaynaa midnimo iyo isku duubni shacabka puntland iyo inay kashaqeeyaan wanaaga dhexdooda.waxaan u rajaynaynaa bay beeshu tiri in dawlada iyo shacabka puntland sii laban laabaan baadi goobka dawlad soomaaliyeed oo dalka hanata midaysa umada soomaaliyeed ee walaaalaha ah kalana maarmi Karin una muuqda kuwo dalkoodii la dhaxlayo intay isku jeedaan dhexdoodu.

Dalka soomaaliyeed inaga badan cidnoolina jago waayimayso iyo mansab,sad bursi iyo si xun wax u doonku waa waxa halkaa ina dhigay soomaaliyeey ee nina waxba u noqon waayay maanta.

Ninbaa layiri habeloow durbaankaagii nin baa xadoo la cararay! “wuxu yiri haba lacararee waxa laga rabaa durbankayga halkuu ku tumi lahaa?! raga kuraas rag leeyahay la cararayaa xagay ku fariisan weeye suaashu? tani saw dhaxalkeedii ma noqon in dalkii soomaaliyeed degi waayo oo yeelan waayo rag ku raas ku fadhiya oo taliya maadama kuraasta rag lahaa side loo talin waxay maraysaa 26 sanadood oo cidina aanay talin dalka soomaaliya.dawlad la aqoon sanyahay waxa u danbaysay 1991.waxaa xusid iyo ka sheekayn iyo ku dayasho mudan samirka ibraahimada la mahadiyay ee Puntland.

Waxaa Qoray: Liiban Ali
E-mail: qaalid3@hotmail.com

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48441

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”