Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 433 views

Maleeshiyo beeleedyada ku dagaalamaya gobolka Hiiraan oo loo diray digniin culus + Video

Waxaa saakay xaaladda goobihii lagu dagaalamay kaddib markii halkaasi gaareen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo ay la socdaan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwooda ka socda dalka Jabuuti ee Hiil Walaal.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo khudbad ka jeedinayay goobta lagu kala qaaday maleeshiyooyinka beelaha Jejeelle iyo Gaaljecel ayaa sheegay in halka labada dhinac ku dagaalamayaan ay tahay meel buuraley ah oo aan lahayn daaqsin iyo naq roobaad midna, isagoona sheegay inuu isagu tuhun yahay dagaalka inay qeyb ka yihiin gacmo kale oo uusan carabaabin.

“Labada beel ee ku dagaalamay Hiiraan cidii jebisa awaamiirta tallaabo wada jir ah ayaan ka qaadeynaa” ayuu yiri Cali Jeyte Cusmaan oo sheegay in labada maleeshiyo beeleed ay kala geeyeen degaanadooda isla markaana waxaa dhaqan galay durba xabbad joojin la kala dhex dhigay.

WARAR KALE: Magaalada Baladweyne

Tallaabadaan waa markii ugu horeysay oo uu ku guuleysto maamulka cusub ee Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan tan iyo markii xilkaasi laga qaaday Guddoomiyihii hore Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Hadalka Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa laga muujiyay shaki badan, bacdamaa dalka uu ku jiro xaalad kala guur siyaasadeed ah, isagoona carrabka ku dhuftay inay jiraan gacmo saddexaad oo hurinaya colaada beelaha wada degan gobolka, taasi oo uu horay uga digay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif xilli uu la dardaarmayay shacabka reer Hiiraan.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48488

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”