Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,051 views

Ninkii waday gaariga ku qarxay suuqa Qudaarta degmada Waaberi oo bixiyay macluumaad kale

Ninkii wadaha ka ahaa gaariga Mini Bus-ka ah ee shalay ku qarxay suuqa qudaarta degmada Waaberi ayaa bixiyay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaabka loo abaabulay weerarkaasi qasaaraha badan dhaliyay.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir oo la socday ciidamada Dowladda Federaalka ee iyagu gacanta ku dhigay ninkaasi ayaa isagoo ku sugan garaashkii gaariga loogu soo xiray walxaha qarxa waxa uu sheegay in tallaabo lagu farxo iyo guul ay tahay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay falkaasi oo uu sheegay inay garab ku siiyeen shacabka degmada Waaberi.

“Ciidamada NISA ayaa la wareegay garaashkii gaarigaasi looga raray goobta garaashka ah” ayuu yiri afhayeenka gobolka Banaadir C/Fataax Cumar Xalane oo su’aalo dhowr ah iska weydiiyay sababta Al-Shabaab mar kasta ay u caadeysteen gumaadka shacabka.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48520

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj