Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 660 views

Dalka Uganda oo ka dhacay dagaalkii ugu cuslaa ee soo mara taariikhda + Sawirro

Dowladda dalka Uganda ayaa galay aan soo marin muddo sanado ah, kaddib markii dagaal fool ka fool ah oo dhex maray ciidamada ammaanka iyo maleeshiyo taageersan Boqor lagu magacaabo Rwenzururu ayna ku geeriyoodeen dad tiradoodu ka badan tahay 55-ruux iyo dhaawacyo ku dhow boqol ruux.

Hoggaamiyaha maleeshiyada la dagaalameysa ciidamada Dowladda oo lagu magacaabo Charles Wesley ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii laga awood batay, iyadoo ciidamada ay xabsiga u taxaabeen boqorka Rwenzururu iyadoo guud ahaan lagala wareegay fariisimahoodii ugu weynaa oo ku yaala magaalada Kasese oo Koonfurta dalkaasi ku taala.

Ilaa iyo 14 ka tirsan askarta Dowladda Uganda ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi, iyadoo iminka goobaha ay rabshadaha ka dhaceen la geeyay ciidamada Milateriga dalkaasi, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladu faraha ka sii baxdo iyo kacdoon ay sameyaan shacabka ka soo jeeda beelaha uu boqorku xukumo.

Shaban Bantariza oo ah afhayeenka Dowladda Uganda ayaa sheegay in dagaalka ay ka dambeeyeen maleeshiyo uu hoggaamiyo boqorka Shaban Rwenzururu kaasi oo laga hortegay isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay inay weeraro ku qaadeen ciidamada ammaanka.

Dhinaca kale afhayeen isna u hadlay Booliska dalka Uganda ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyada raacsan boqorka dalkaasi firxadkooda ay galeen dalka deriska la ah ee Congo DR kuwaasi oo sida uu sheegay doonaya inay ka go’aan dalka intiisa kale.
Rwenzururu iyo maleeshiyada taageersan ayaa sanadkii 2009-ka waxay joojiyeen dagaalka ay ka wadaan dalka Uganda kaddib markii heshiis dhex maray Madaxweyne Yuweri Museveni, iyadoo iminka muuqato burburkii ugu weynaa inuu ku yimid heshiiskaasi sanado badan kaddib.

mume

Uganda King Rwenzururu

_67706641_ugandaafp 33 0220_uganda c268d721030045cc85a484a0be9918af_18uganda-794x445

—Somweyn – Wakaalado

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48527

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj