Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,360 views

Fursado qaali ah oo loo hayo ragga muhaajiriinta ah ee Soomaalida ka mid tahay (Dhageyso)

Mid ka mid ah dalalka Yurub ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay fursado qaali ah oo uu u hayo muhaajiriinta faraha badan ee dalalkooda uga cararaya dagaalada iyo xasilooni darida ka jirta.

Dowladda dalka Iceland ayaa sheegtay in muhaajiriinta ragga ah ay qaabileyso isla markaana bishii la siinayo lacag dhan $5,000 haddii uu guursado gabar dalkaasi u dhalatay iyadoo fursadaasi ay ku kooban tahay oo kaliya ajaanibta dalkaasi ku nool.

Waxaa kale oo dowladdu sheegtay in ninka Muslimka ah loo ogol yahay inuu guursado ilaa afar xaas oo muwaadiniinta dalkaasi ah markaasi oo uu qaadanayo lacag dhan $20,000 bishii isla markaana la dejinayo guryo ay iyagu iska leeyihiin.

Dalka Iceland oo ka mid ah dalalka yaryar ee ka tirsan Midowga Yurub ayaa waxay dadkiisu gaarayaan ilaa 300,000 qof, iyadoo dowladda dalkaasi warkeeda ku sheegtay in ujeedada ka dambeysa warkaan farxadda gelinaya muhaajiriinta ay Soomaalida ka mid tahay ee ku sii qulqulaya dalalka Yurub sidii tirada dadka dalkaasi loo kordhin lahaa.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48541

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj