Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 391 views

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban oo  soo saaray warar is burinaya

Dib u dhacyada doorashooyinka ka socda gobolada dalka ayaa la sheegayaa inuu qeyb ka yahay guddiga madaxa bannaan ee xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban kaasi oo la ciir ciiraya dacwooyin fara badan oo uga imaanaya beelaha iyo musharaxiinta u tartameysa kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka cusub.

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa qoraallo ka soo baxay guddiga xalinta khilaafaadka waxay bannaanka u soo saareen jaha wareerka ka heysta cabashooyin ka soo gaaraya doorashada ka socota gobolada dalka.

Doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar ee lagu doortay xubnaha aqalka hoose maamulka Hirshabelle ayaa waxaa laalay guddiga doorashooyinka dadban, iyadoo qoraal kale oo ka soo baxay guddiga xalinta khilaafaadkana uu ku sheegay inay socdaan baaritaano isla markaana aanu la qabin go’aanka uu gaaray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Avv. Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey).

“Ma jiro ilaa iyo hadda go’aan uu guddigu ka gaaray dacwadaha loo soo gudbiyay, dhowaan ayaana dhageysaneynaa cabashadooda” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee xalinta khilaafaadka C/risaaq Barre Jaamac oo hadalkiisa u muuqdo mid burinaya go’aanada guddiga doorashooyinka dadban.

Khilaafka labada guddi oo maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii shareeraya ayaa sabab u ah dib u dhacyada iyo muranada hareeyay hannaanka doorashooyinka labada aqal ee ka socota gobolada dalka.

Kala hadalka guddiga madaxa bannaan ee xalinta khilaafaadka iyo warar is burinaya oo ka soo baxaya maalmahaan ayaa noqotay caqabad kale oo soo food saartay geedi socodka doorashooyinka.

Inta badan dacwadaha loo gudbiyay ayaa ku saleysan cadaalad darro, ku takri fal awoodeed, ergooyin been abuur ah iyo dembiyo kale oo culus kuwaasi oo intooda badan loo aaneynayo inay ka imaanayaan madaxtooyada Villa Somalia iyo kooxo siyaasadeedyada kale ee dalka.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48576

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj