Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 762 views

DEGDEG: Qaramada Midoobay oo Muqdisho ka furtay shir degdeg ah (Arrimaha looga hadlayo)

Xerada Xalane oo fariisin u ah diblomaasiyiinta beesha caalamka ayaa waxaa goor dhow ka furmay shir degdeg ah, kaasi oo looga hadlaayo xaaladda dalka, arrimaha dhameystirka doorashooyinka iyo qodobo kale.

Shirkaan degdegga ah oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya UNSOM ayaa waxaa ka qeyb gelaya Guddoomiyihii hore ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, madax ka tirsan Dowladda Federaalka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada amniga.

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka heleyno ilo wareedyo ku dhow dhow goobta uu shirka ka dhacayo ayaa sheegaya in arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlayo ay ka mid yihiin sidii loo soo afjari lahaa khilaafaadyada ka dhashay hannaanka doorashooyinka dadban ee ka socda gobolada.

Sidoo kale waxaa ka mid ah qoondada haweenka 30% inay ka helaan labada aqal ee Baarlamaanka cusub, taasi oo iyadu ka mid noqotay caqabadaha ugu waaweyn kaddib markii qaar ka mid ah beelaha ay iska dhega tireen fulinta go’aanadii ka soo baxay hoggaamiyeyaasha madasha qaranka.

Cabashooyinka iyo eedeymaha loo jeedinayo Madaxtooyada Villa Somalia oo faragelin aan caadi ahayn iyo ku takri fal awoodeed ku heysa arrimaha doorashooyinka, taasi oo horay beesha caalamka uga digtay in shaqsiyaad ka socda Villa Somalia ay awood u adeegsadeen doorasho ka dhacday magaalada Cadaado.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in shirka ka socda xerada Xalane ay ka qeyb gelayaan madax ka tirsan guddiyada doorashooyinka, kuwaasi oo iyagu halkaasi ka jeedinaya warbixino la xariira caqabadaha ay kala kulmeen doorashooyinka ka dhacaya gobolada dalka.

Dhinaca kale shirkaan oo ah mid albaabada u xiran, isla markaana aanu ka qeyb galeynin Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaanu idiin soo gudbineynaa hadba wixii warar ah ee ku soo kordha.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48580

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”