Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 505 views

Garoonka Jomo Kenyatta oo la xiray kaddib markii diyaarad Soomaaliya ka tagtay ay ku dhacday

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta magaalada Nairobi ayaa la xiray, iyadoona halkaasi halkaasi howlgallo ka wadaan ciidamada ammaanka kaddib markii wadada ay diyaaradaha ku cararaan ee Runway-ga loo yaqaano ay ku dhacday diyaarad ka tagtay Soomaaliya.

Maamulka Garoonka diyaaradaha JAKIA ayaa war uu ka soo saaray ayaa waxa uu ku sheegay in diyaaradda ay ku dhacday meel ka fog gudaha garoonka oo ay ku sugnaayeen diyaarado fara badan, iyadoo duulimaadyadii garoonkaasi loo weeciyay garoonka diyaaradaha magaalada Mombasa.

Maamulaha shirkadda CEO Jonny Anderson ayaa maanta warbaahinta u sheegay in shilkaan uu yahay midkii ugu weynaa sanadkaan sii dhammaanaya oo soo wajaha garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta, hase yeeshee waxa uu sheegay in burburka xoogan ee soo gaaray Runwayga ay diyaaradaha ku cararaan uu soo gaaray dhaawac culus.

Go’aanka lagu hakiyay diyaaradihii ka degayay garoonka JAKIA ayay sheegtay dowladda Kenya in ujeedadiisu tahay sidii looga hortegi lahaa shilal kale oo halkaasi ka dhaca, iyadoo halkaasi ay ka socdaan baaritaanno iyo dib u dhis lagu hagaajinayo wadadaasi.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48590

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj