Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 570 views

Cumar Dhegey: “Waxaa dhaceysa in la kansalo Xildhibaano aan qaab shari ah ku imaan”

Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey) Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee heer Federaal ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hannaanka doorashooyinka ka socda dalka oo maraya heer gabagabo ah.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arrimo fara badan oo ku saabsan dib u dhaca ku yimid doorashada Madaxweynaha oo ay horay u qorsheeyeen inay dhacdo 30-ka bishaan kuna beegan maalinta arbacada ah ee berrito.

Guddoomiyaha Doorashooyinka ayaa waxa uu sheegay inay caqabado fara badan oo ku hor gudban dhameystirka xildhibaanada Baarlamaanka cusub oo ka kooban aqalka sare iyo kan hoose, isagoona sheegay in duruufo jira awgood horay dib ugu dhacday xilliga 25-ka bishaan in lagu soo dhameystiro xubnaha Baarlamaanka cusub.

“Waxaa dhaceysa in la kansalo Xildhibaano aan qaab sharci ah ku imaan, waayo waxaa jirta shuruuc iyo heshiiska hoggaamiyeyaasha madasha oo ay tahay in la fuliyo” ayuu yiri Avv. Cumar Dhegey oo sheegay in arrintaasi ay maanta kulamo kala yeelanayaan guddiga xalinta khilaafaadka isla markaana go’aan rasmi ah ay ka gaarayaan arrintaasi.

Mar uu ka hadlayay Xildhibaanada labada aqal ee ka imaanaya Somaliland iyo Mudanayaasha Muqdisho labadaba dhowaan la qabanayo, isagoona sheegay in xildhibaanada haatan u diiwaan gashan ay yihiin 178-xubnood taasi oo sida uu sheegay inay lahayn dastuuriyan awood ay ku doortaan Madaxweyne.

Md. Cumar Dhegey ayaa sheegay in maamulka Puntland dhowaan bilaabayo doorashada aqalka hoose oo dhowaan uu hakiyay, taasi oo uu sheegay inay ahayd arrimo siyaasadeed, balse labada dhinac ay isku afgarteen in la dhameystiro xubnaha haray.

“Anaga ka guddi ahaan ma dhaheyno 15-ka bishaan Madaxweyne ayaa la dooranayaa, arrintaasi waxaa sheegi doona Baarlamaanka cusub marka uu doorto guddoonkiisa” ayuu yiri Cumar Dhegey oo weriyeyaasha uga jawaabayay su’aalooyin dhowr ah uga jawaabayay.

WARAR KU SAABSAN: Doorashooyinka Soomaaliya

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee isugu yimaadaan 30-ka bishaan goobta ay doorashada ka dhaceyso, isagoona sheegay in la siinayo kaararka aqoonsiga inuu Mudane Baarlamaan yahay.

“Qofkii aan heysan Shahaadada Xildhibaanimo kama mid ahan Mudanayaasha Baarlamaanka cusub” ayuu yiri Avv. Cumar Dhegey oo sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay diyaar garoga loogu jiro doorashada Madaxweynaha cusub ee ay iyagu dooranayaan sanadkaan.

DHAGEYSO: Codka Guddoomiye Cumar Dhegey

Jabriil Max’ud Nuur (Jabra)
E-mail: jabra@somaliweyn.com
Muqdisho – Soomaaliya

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48618

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”