Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 325 views

Qeyla dhaan laga soo saaray isbaarooyinka badan ee yaala inta u dhaxeysa Warshekh & Raagaceelle

Waxaa isa soo taraya cabashada ka imaaneysa dadka ku dhaqan degmooyinka Warsheekh iyo Raagaceelle, kaddib markii ay sii kordheen isbaarooyinka ciidamada Dowladda ee bilqan wadada dheer ee ka tagta Muqdisho, iyadoo gaadiidleyda ay qarka u saaran yihiin inay gebi joojiyaan howlahooda kaddib markii lacago fara badan looga qaato isbaarooyinkaasi.

Xoghayaha guud ee degmada Warsheekh Axmed Yuusuf oo warbaahinta gudaha la hadlayay ayaa qeyla dhaan u diray Dowladda Federaalka iyo taliska ciidamada AMISOM, isagoona sheegay in kororka isbaarooyinka ku soo badanaya wadada u dhaxeysa Muqdisho, Warsheekh ilaa iyo Raagaceelle ay dhibaato ku qabaan dadka degaanka.

“Isbaarooyinka waxay yaalaan wadada u dhaxeysa Muqdisho, Warsheekh ilaa iyo Raagaceelle, waxaan ka codsanayaa Dowladda iyo ciidamada AMISOM inay wax ka qabtaan” ayuu yiri Xoghaye Axmed Yuusuf.

Dowladda Federaalka ayuu si gaar ah uga dalbaday inay yareyso baraha kontrol ee dadka looga qaado lacagaha faraha badan, isagoona sheegay in baaritaanada gawaarida ay saaran dadka xanuunsan ay saacado badan ku qaadato ka gudbidda isbaarooyinka bilqan ilaa iyo Muqdisho.

Ma aha markii ugu horeysay oo dadka rayidka ah ay cabasho ka muujiyaan ciidamada Dowladda Federaalka ee iyagu jidgooyooyinka dhigtay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, wuxuuna Xoghayaha degmada Warsheekh ugu baaqay Taliska ciidamada Dowladda inay arrintaan wax ka qabtaan si buu yiri loogu dhimriyo dadka rayidka ah.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48623

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj