Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 659 views

Xildhibaan Xaaf iyo Danjire Dhaban-cad oo loo diiday inay u tartamaan Aqalka Hoose Doorashadii Cadaado

Kuraastii Baarlamanka ee Maanta doorashadoodu ka dhacday Magaaladda Cadaado waxaa ka mid ahaa Kursi lagu waday in ay ku tartamaan labo Musharax kuwaas oo kala ahaa Xillibaan Axmed Ducaale Geele ( Xaaf ) iyo Danjire C/salaan Xaaji Axmed Dhaban-cad. Waxaase dhacday in Xildhibaan Xaaf iyo Danjire Dhaban-cad aysan soo xaadirin Goobta doorashada, iyagoo sababta ku sheegay in la xareeyey Ergo aan aheyn kuwii kursigaas dooran lahaa iyo in Cabashadooda ay wax ka qaban waayeen Guddiga Doorashada iyo Madaxda Maamulka Galmudug.

Nabadoon Maxamuud Axmed Aadan oo ka mid ah 135-tii oday ee loo xilsaaray saxiisa Baarlamaanka Cusub. Ayaa wuxuu nabaddoonku u saxiisay Afar Nabaddoon ergada beesha Cabdalla Sacad si ay u soo xulaan ergad beehsa. Nabadoonka Beesha kursiga Maanta la doortay ayaa Warbaahinta u sheegay in la sameeyey dhac iyo boob qaawan, isla markaana beesha Cabdalla Sacad lagu sameeyey fara-gelin xoogan. Sidaasna ay ku dhacay doorashadii Maanta.

“Waxaan isku dayna in aan la xiriirno guddoomiyaha Guddiga doorahsada dadban Cumar dhagey base waa noo suurta geli weysay” ayuu yiri Nabaddoonku.

“ Xalay ayaan Guddiga isku afgaranay in ergada la xareeyo si doorashadu ay xalaal ugu dhacdo, laakiin Guddiga Doorashada Galmudug ay ka baxeen balantii aheyd in ergada beeshu ay wax dooran doonto, isla markaana goobta ay keeneen ergo ayagu wataan si ay codka u siiyaan Axmed Macalin Fiqi. Markii ay intaasi dhacay ayaan saakay waxaan dib ugu soo laabanay guddiga doorashada Galmudug aniga iyo odayaashii beesha laakiin way diideen in ay na qaabilaan” ayuu yiri Nabadoon Maxamuud.

Nabadoonka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale sheegay in Madaxweynaha Galmudug oo horey u sheegay in Cabashadooda wax laga qaban doono balse Madaxweyne Guuleed uu fara-gelin xooggan ku sameeyey ergada beesha asagoo daneynaaya in uu kursigaa ku soo baxo Axmed Macalin Fiqi. “waxaan isku daynay in aan madaxweyaha xiriir la sameyno balse waa na loo diiday in ay u gudubno Xafiiskiisa”.

Ugu dambeyn Axmed Macalin Fiqi oo ku guuleystay Kursigan Muranku ka taagan yahay waxaa la tartamay Imaam Jaamac Yuusuf oo ah Musharax aan horey looga warheyn. Halka meesha laga saaray labadii musharax ee ay beeshu oo gudbisatay.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48664

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj