Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 794 views

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya wiilkii Soomaaliga ahaa ee weeraray jaamacadda Ohio + Sawirro

Hay’adda ammaanka dalka Mareykanka ayaa bilaabay baaritaanada la xariira wiil asalkiisu yahay Soomaali oo weeraray jaamacadda Ohio ee uu isagu ka mid ahaa ardaydii dhiganeysay, iyadoo qoyska wiilkaasi iminka su’aalo laga weydiinayo xaaladihii ugu dambeeyay.

Cabdul Razak Cali oo 18-jir ahaa ayay toogteen ciidamada Booliska gobolka Ohio ee dalka Mareykanka isagoo gaari uu watay jiirsiiyay dadweyne fara badan isla markaana mindi ku dhaawacay 11-qof.

Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in barta xiriirka bulshada ee uu wiilkaasi lahaa iminka la baarayo, iyadoo wararka hordhaca ay sheegayaan inuu isagu si weyn uga xumaa dagaalada ka socda dalalka Islaamka iyo nacaybka uu u qabo dalka Mareykanka.

Xaaladda Jaamacadda Ohi ayaa weli kacsan iyadoo ardaydii dhiganeysay uu falkaasi ku noqday mid ay ka walaaceen isla markaana ka muujiyay argagax weyn, hase yeeshee waalidka Cabdul Razak Cali ayaa sheegay in wiilkooda maalmihii ugu dambeysay noloshiisa ka cabanayay Jaamacadda Ohio oo uu sheegay inaysan lahayn goobo munaasab ah oo lagu cibaadeysto.

Dhinaca kale falkaan waxaa cambaareeyay jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo Muslimiinta degan gobolka Ohio, iyagoona sheegay in ficilka wiilkaasi oo isaga iyo qoyskiisa degan yihiin dalka Mareykanka muddo laba sano ah.

cartan2cartan3abdul-razakcartan4

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48673

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj