Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 381 views

Musharaxnimada Madaxweyne Xasan ma dhab baa mise waa dhalanteed?! ‘Qabyo ninkeeda ayaa dhameystira’

Iyadoo dalka uu galay xaalad kala guur siyaasadeed ah isla markaana ay iminka gabagabo marayaan doorashooyinka labada aqal kan sare iyo midka hoose taasi oo Soomaaliya noqoneyso markii ugu horeysay oo xukuumad noocaan ah yeelato.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo afar sano ah soo maamulayay madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu xusuustaa qaabka uu ku hoggaaminayay Xukuumadda xilligeedu dhammaaday, isagoo bedello muuqda ku sameeyay hannaanka dowladnimada dalka.

Waxqabadka Dowladda Federaalka oo isugu jira ammaan iyo dhaliil, arrimaha uu ku guuleystay waxaa ka mid ah inuu wada shaqeyn buuxda la yeeshay hoggaanka Baarlamaanka kaddib markii uu ka badbaadiyay in cod loo qaado kalsoonida Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Baarlamaanka doortay sanadkii 2012-ka ayaa mudadii uu xilka hayay waxaa kale oo uu ku guuleystay xiriirka arrimaha dibadda, isagoo ka qeyb galay shirar caalami ah isla markaana kulamo kala duwan la qaatay Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska, Madaxweyne xilka ka sii degaya ee dalka Mareykanka Brack Obama iyo madax kale.

Magaalada Muqdisho waxaa lagu xardhay sawirada musharaxiinta xilka Madaxweynaha u taagan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin rag horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka, waxaa ugu cadcad: Madaxweynihii Dowladdii Federaalka Shariif Sheekh Axmed, Maxamed C/llaahi Farmaajo Ex Ra’iisal Wasaarihii hore ee xukuumadii KMG ahayd, Jabriil Ibraahim Cabdulle Madaxii hore ee Hay’adda Cilmi Baarista iyo wadahadalka bulshada CRD iyo xubno kale.

Dad badan ayaa shaki ka muujiyay hadallada ka soo baxay Madaxweynaha xilka banneynaya ee Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu yahay musharax Madaxweyne isla markaana halku-dhig ka dhigtay “Qabyo ninkeeda ayaa dhameystira”.

Durbadiiba waxaa soo baxayay aragtiyo kala duwan oo laga muujinayo rajada gashay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu mar kale hoggaamiyo xukuumadda cusub ee iminka la yagleelayo, iyadoo koocaha mucaarada Madaxweynaha ay sheegeen in Qaranku aanu lahayn qof ee muwaadin kasta oo Soomaaliyeed u siman yahay.

Kooxda Madaxweynaha taageersan ee Damuljadiid lagu magacaabo ayaa haatan rajadeedu sii laciifeysaa kaddib markii lagu dhaliilay tacadiyo ay ka geysteen goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka iyagoo adeegsanaya shaatiga Dowladnimada, iyadoo waxgarad, odayaal iyo ergooyiinka beelaha ku sameeyay faragelin aan loo aaba yeelin.

Arrintu si kastaba ha ahaatee magaalada Muqdisho hadda kama jirto ololaha musharaxnimada Madaxweyne Xasan Sheekh oo u dhow xilligiisii hore waddo kasta lagu arki jiray sawiradiisa isagoo gacanta taagaya isla markaana dhoola caddeynaya, waxayna arrintaasi muujineysaa inuu mugdi weyn hareeyay musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha 2016-ka.

Waxaa Qoray:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil@journalist.com

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48734

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”