Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,729 views

Wasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro

Shir aad u balaaran oo looga hadlayay musuq-maasuqa hareeyay doorashooyinka ka soconaya Magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadii Shirkaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Dawladda Federaalka Soomaaliya, madax dhaqameedyo matalayay beesha GALADI, culumaa’udiin, aqoonyahano, qurba joog, haween, dhallinyaro iyo marti sharaf aad u badan oo lagu casuumay munaasabadaasi.

Hadal ay halkaasi ka soo jeediyeen odoyaal dhaqameed ku hadlayay magaca beealaha HANDAB, ABIIKAROW, MAAMA SUUBIS, REER XAAJI, AYTIRO GOL IYO AYTIRO BAN oo idilkood ka tirsan beel weynta GALADI ayaa daboolka ka qaaday inay cabasho ka yihiin musuqii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee lagu boobay kursigii ay ku lahaayeen aqalka hoose, waxayna ku eedeeyeen gudiga doorashooyinka K/Galbeed in ergooyinkii rasmiga ahaa ay ku badaleen shaqsiyaad la been abuuray, iyagoo soo jeediyay in caddaalada la horkeeno dadkii fal dambiyeedkaasi ku dhiiradey.

“Waxan halkaan ka cambaareynaynaa gudoomiyaha doorashooyinka K/Galbeed ninka layiraahdo Mursal oo ku kacay musuqa aan ka cabanayno, ma yeelayno in kursigeena si qalad ah lagu qaato, waxaan guddiga doorashooyinka ee heer Fedraal aan weydiisanaynaa inay cabashadeena sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabtaan” ayay yiraahdeen odayaashaasi oo ku hanjabay in beesha Galadi ay gooni isu taagi doonto haddii aaney walaalahooda Mirifle cudurdaar ka bixin tacadigii ku dhacay beeshooda isla markaana aan dib loogu soo celin kursigii sida xaqdarada ah looga dhacay.

Gudoomiyaha Haweenka Degmada Afgooye Marwo Xabiibo Shiikh Cusmaan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa ku nuux-nuuxsatey inay taageersan tahay cabashada ay soo jeediyeen odoyaasha dhaqanka ee goobtaasi ka hadlay, waxayna carabka ku dhufatay inay xaaraan aheyd doorashadii ka dhacdey Baydhabo, iyadoo soo jeedisay in dib loogu noqdo doorashadaasi.

Bayaan ka soo baxay gabagabadii kulankaasi ayaa looga hadlay tacadiyadii iyo fal dambiyeedyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo, bayaankaasi oo ku kala socdey gudiyada doorashooyinka iyo kan khilaafaadka ee heer fedraal isla markaana lagu ogaysiinayay Suldaanka beesha Galadi iyo Madaxweynaha K/Galbeed ayaa looga codsadey guddiyadaasi inay si deg deg ah wax uga qabtaaan musuqmaasuqii lagula kacay beesha Galadi.

Wasiirka Wasaaradda Hawalaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta Dawladda Federaalka Soomaaliya Eng. Saalax Sheikh Cusmaan Muuse oo khudbad ka soo jeediyay gunaanadkii kulankaasi ayaa cadeeyay inay lagama marmaan tahay in wax laga qabto cabashada ay qabaan odoyaasha dhaqanka iyo bulshada beesha Galadi, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay waajib tahay in Maxakamad la hor keeno dadkii ka dambeeyey musuqii lagu sameeyey Xildhibaankii ay laheyd beeshaasi, isagoo gudiiga doorashooyinka ka codsadey in fursad la siiyo ergooyinkii saxda ahaa ee beeshaasi si ay doortaan musharaxa ay doonayaan.

Munaasbadii kulankaasi oo ku dhacdey jawi aad wanaaagsan ayaa si qiiro leh waxaa loogu soo bandhigay suugaan aad loo jecleystayna oo ay ka mid ahaayeen:- “GOOF GADUUD ADDAA LEHEE GEELLAAGA KU MAALO…WAA IDINKA GO’AYNAA GOONI AYAANA IDINKA AHAANAYNAA”, MUSUQ-MAASUQ MAROODI KA WEYN AYAA DHACAY… MANA KA YEELAYNO MURSAL INUU XAQEENA MAROORSADO” erayadaasi oo u badnaa shirib ayaa waxaa ku dhawaaqayay laashimiintii ka soo qayb gashay kulankaasi.

Dhawaan ayaa sidaan oo kale waxaa cabasho tan la mid ah uga timid beelaha BAGADI, TUNNI, WANJEEL GALEDLE iyo kuwa kale oo ka mid beelaha la isku yiraahdo Digil iyo Mirifle, beelahaasi ayaa dhamaantood ka cabanayay musuqmaasuq lagu sameeyey kuraastii ay ku lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya ee la dhigay Magaalada Baydhabo.

15178955_1327845960610458_8273863258741818356_n thumbnail_15283932_1327876483940739_1091259666364009530_n15230669_1327927907268930_6132478567242395644_n 15284131_1327854260609628_8651510286701296394_n1

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48740

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj