Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 730 views

Amba. Cali Ameeriko: “Waxaa muuqata in la hareer marayo dastuurka iyadoo 40-dacwo ka badan ay taallo” (Wareysi)

Ambassador Maxamed Cali Ameeriko oo ka mid ah hormuudka diblomaasiyiinta Soomaalida isla markaana ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay arrimo dhowr ah oo uu sheegay inay ka qaldan yihiin hannaanka doorashooyinka dalka ka socda.

Musharax Maxamed Cali Ameeriko oo wareysi siinayay idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in doorashada la boobsiinayo, taasi oo uu sheegay in laga weeciyo wadadii lagu doortay madaxweynayaashii horay dalka u soo maray taasi oo ahayd in 275-Xildhibaan ay doortaan Madaxweynaha cusub.

“Doorashadii ugu dambeysay ee Xasan Sheekh iyo midii ka horeysay ee Sheekh Shariif waxaa doortay 275-Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka, haatanna waxaa muuqata in la raadinayo kooram taasi oo noqoneysa.

Waxaa kale oo Ambassador Maxamed Cali Ameeriko ammaanay qaabka ay ku socdaan doorashooyinka dadban, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xildhibaannada si habsami loogu soo dooranayo.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48769

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj