Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,426 views

Shirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda DFS

Shirkadda gaarka ah loo leeyahay ee ka shaqeysa howlaha ceymiska ayaa la kulmeysa mucaaradii ugu xooganeyd, kaddib markii muddo 24-saac ah gilgishay xaaladda magaalada Muqdisho isla markaana dadka shacabka rayidka ah gelisay inay cagahooda maalaan gaadiidkii BL-ka ay raaci jireenna uu saameeyay howlahooda.

Maxamed Aadan Fargeeti Wasiirka Maaliyadda Dowladda muddo xileedka ka dhammaaday ayaa iminka cambaareeyay tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah in gaadiidka Dadweynaha lagu soo rogo lacago ceymis ah.

“Ma jiro go’aan ka soo baxay labada Gole oo shirkad gaar loo leeyahay ku qaadeysa lacago Ceymis ah” ayuu yiri Wasiir Fargeeti oo sheegay in tallaabadaasi tahay mid qalad ah oo la doonayo in hantida shacabka lagu boobo.

Dhinaca kale shirkadda Ceymiska Takaaful ayaa tallaabadaan u adeegsatay Wasaaradda Gaadiidka oo iyadana ciidamada Taraafikada ku amartay in xaruntooda lagu xareeyo gaadiidkii aan bixin lacagta canshuurta Ceymiska, iyadoo kumanaan gaadiidka BL-ka ah loo ciqaabay inay bixin waayeen canshuurta cusub ee layaabka ku noqotay dadka degan Muqdisho.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48807

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj