Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,327 views

UGAAS XASAN: “Waa ka xumahay Max’ed Cabdi Afey inuu kala garan waayo Islii iyo Hiiraan, waxaana soo baxay…”

Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa qabtay kulan looga hadlaayo xaaladda wadanka, doorashooyinka dadban, go’aankooda ku aadan isbedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacaya.

Xubnaha odayaasha dhaqanka ee kulankaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ugu horeyntiiba ka hadlay kulamadii kala duwanaa ee uu la qaatay wafdiga ka socda urur goboleedka IGAD, wuxuuna sheegay inay soo baxeen digniino uu ka bixiyay.

“Waa ka xumahay Maxamed Cabdi Afey inuu kala waayo Islii iyo Hiiraan, waxaana soo baxay wixii aan shalay sheegayay” ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo sheegay in dowladda federaalka ee xilligeedu dhacay ay dadka reer Hiiraan ku tilmaamtay kuwo qas wadayaal ah sida uu isagu sheegay.

Ugaaska dhaqanka gobolka Hiiraan oo khudbadiisa ay ka muuqatay taxadar badan ayaa ku booriyay Maxamed Cabdi Afey inuu sumacdiisa ilaashado, isagoona soo xigtay hadal uu yiri oo ahaa “Looma dhama doonimeyno”.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in Jan. Gabre oo ka mid ahaa wafdiga IGAD ayuu sheegay inaysan jirin wax dembi ah oo uu ka galay reer Hiiraan, wuxuuna si cad u sheegay in go’aanka duubabka dhaqanka uu meel yaalo isla markaana Dowladda wixii ay ka yeeleyso iyada khuseyso.

WARAR KALE: Ugaaska gobolka Hiiraan

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo laf dhuun gashay ku noqday dowladda Federaalka dadaaladii ay ka wadday dhismaha maamul goboleedyada, kaddib markii uu soo istaagay in Hiiraan laba loo qeybiyo sidaasna maamul goboleed loogu magacaabo, taasi oo uu gaashaanka ku dhuftay K/Simaha Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48814

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj