Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 447 views

AMISOM oo howlgal nooc cusub ah ka bilaabeysa gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe (Dhageyso)

Maalintii shalay waxaa magaalada Jowhar gaaray Wakiilka Midowga Afrika Francisco Caetano Jose Madeira u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, wuxuuna kulan gaar ah oo uu la qaatay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, iyagoo isku afgartay dhammaanba qodobadii ay ka wadahadleen.

Agaasimaha Madaxtooyada Hirshabelle C/qaadir Cabdulle Xooshow oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wadahadleen mashaariic kala duwan oo laga fulinayo gobolada hoos yimaada maamulka Hirshabelle.

“Waxay ka wadahadleen dayactirka waddo 87Km, taasi oo ku bilaabaneysa si goos goos ah iyo sidii loo horumarin kheyraadka labada gobol” ayuu yiri Agaasime Xooshow oo sheegay in Wakiilka Midowga Afrika uu ballanqaaday sidii uu shacabka labada gobol uga taageeri lahaa waxsoosaarka.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48837

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj