Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 438 views

Dagaal ku wajahan Daacish-ta Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya degaanka Isku shuban oo ka tirsan gobolada uu ka taliyo maamulka Puntland ayaa waxaa ka jirta cabsi xoogan, kaddib markii ay halkaasi gaareen ciidamo aad u hubeysan oo fara badan.

Ciidamadaan oo tiradooda lagu sheegay 1500-Askari ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa la dagaalama kooxaha argagixisada ah ku dhowaaday degaanka Isku shuban, halkaasi oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan kooxda la baxday khilaafada Islaamka ee Daacish loo yaqaano.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in qoysas fara ku tiris ah oo halkaasi degenaa ay bilaabeen inay halkaasi ka barakacaan, iyadoo ciidamada duulaanka ku ah dagaalyahanada uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin fariisimooyin ka sameysteen halkaasi.

Dhinaca kale ma markii ugu horeysay oo degaanada Puntlan lagula dagaalamo maleeshiyo ka tirsan Daacish, iyadoo weerarkaan cusub uu ku soo beegamayo dagaallo ka dhacay buuraleyda Galgala halkaasi oo khasaarooyin kala duwan ay ka dhaceen.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=48840

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj